Somaliland: Dad u dhintay Xannuunka Covid-19 oo Dib usoo laba kacleeyay

0
400

Hargeysa (Dawan)  – Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Bishan aynu hadda ku jirno 140 ayaa xannuunka laga helay, bishii ka horeysay waxay ahayd kaliyaata 27 qof, tii kasii horeysay 22, qof marka waxan dareemi karnaa in uu koru kac aad ihi jiro, dhimashaduna ilaa hadda waxay maraysa 5 qof”

Wasiirka ayaa sheegay in kor u kaca wajiga saddexaad ee caabuqa Covid-19 uu qiyaas ahaantii 5% kor u kac sameeyay maalmahan u danbeeyey , marka laga qiyaas qaato tirada guud ee dadka la baadhay iyo inta caabuqa laga helay.

“Maalmahan u danbeeyay xaaladaha xanuunka Covid-19 kor bay usoo kacayeen, shalay oo u danbaysay dadkii la baadhay oo ahaa 400 waxa laga helay 20 oo macnaheedu tahay 100 kii qof 5 qof ayaa qaba, arrintaasi waa arrin war war abuuraysa oo waajib ka dhigaysa in lala dagaalamo”  ayuu yidhi wasiirku.

 

Leave a Reply