Dagaal Beeleed Qasaare geystay oo dib uga bilaabmay Degaanka Far-dhidin ee Koonfur-barri  Gobolka Sool

0
302

Bocame (Dawan) – Dagaal ka bilaabmay duleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba intaba ay dheceen.

Dagaalkan ayaa dhacay ka dib markii ay dabley hubaysan ay saaka weerar ku qaadeen tuulo lagu magcaabo Filley oo Boocame Koonfur barri kaga quman, una dhow Far-dhidin.

Dagaalkan ayaa dhacay iyadoo ay socotey wada hadal labada beelood u dhexeeya, kaas oo la filayey in uu xal laga gaadho sida ay guddiga labada dhinac u dhexaysey ay sheegeen.

Arrintan saaka dagaalka sababtay ayaa ka dhalatay degaameyn cusub oo degaanka marka hore la isku dilay dib looga bilaabay.

Leave a Reply