Xukuumadda Somliland oo Wada Qorshe ay Warashadaha kaga Rareyso Gudaha Caasimada

0
454

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay gudaha  magaalada Hargeysa kaga saarayaan warshadaha ganacsiga ah, taasi oo uu tilmaamay in degaanka Geed Deeble ay ka wadaan xaruntii lagu ururin laha guud ahaan warshadaha ka hawl gala gudaha caasimada.

Wasiir Saajin waxaa uu caddeeyay in goobta lagu ururinayo guud ahaan warshadaha ka hawlgala caasimada dalka ay ka heli doonaan dhammaanba inkaaniyaadka kala duwan eel aga mamaarmaanka u ah wax-soo-saarka dhanka warshadaha, isaga oo xusay in ay ka kireyn doonaan.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay wax badan ka tari doonto caqabadihii dhinaca dhul la’aanta ee haysatay warshadleyda dalka.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa wasiirka uga mahad celiyay sida uu u soo ajiibay yeedhmadii ay u yeedheen.

Wasiir Saajin isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Aniga iyo wasiirka maaliyada oo iskaashanayna waxaa aanu hadda goob guud ahaan warshadaha dalka la isugu geynayo aanu ka wadna degaanka Geed Deeble, isla markaana laydhkii ay wadaagi karaan, adeegyadii kalena ay wadaagi karaan,

Annagu waxa aanu sameynayna hangaro, marka waxaa aanu kaga kireynayna kiro jaban, ujeedaduna waxa ay tahay kuwa cusub ee imanaya in aanay caqabad la kulmin ayaanu rabbnaa, kuwa hore haddii la furfuri karana kaba sii wanaagsan oo waa ay u guurayaan, sababto ah warshado shan sano ka hor la dhisay ayay magaaladii dhaaftay, waynu furfuri karnaa badankooda, oo way gayn karaan.

Waxaanay dhiirigelin u tahay warshadleyda cusub, wax dhib ah oo ay la kulmayaana ma jirto ee qofkasta shaqada warshadiisa hore ayuu ka bilaabanayaa”

Leave a Reply