Kaydka Lacagta Ee Switzerland

0
694

Dalka Switzerland ayaa la sheegay inuu yahay dal dhexdhexaad ah oo aan ka qayb qaadan loolanka dunida guud ahaan iyo kan gobol ahaanba, taasi oo ka dhigtay dal aamin ah oo lacagta dunidu ku ururto. Switzerland oo ku taalla Yurub kama ay qayb qaadan labadii dagaal ee dunida ka dhacay kuwaasi oo ka socday dhinacyadeed iyadana lama soo weerarin madaama ay dhex ahayd.

Switzerland ka mid ah midowga Yurub, kumana jirto dalalka isticmaala lacagta Euro, Waxaana ay xubin ka noqotay qaramada midoobay sanadkii 2002, bishii Septemebr 10, ka dib markii afti dadweyne ay sidaa ku ogolaadeen inay xubin ka noqdaaan Qaramad Midoobay.

Waxa kale oo jirta in macmiilka doonaya inuu xisaab ka furto baanka dalkan aan lagu dhibin oo aan la weydiin macmluumad adag iyo siro gaar ah. Marka uu lacagta dhigto waxa la siinaya calaamad uu ku geli oo uu kala bixi karo. Arimahaasi aya ka keenay inay Switzerland noqoto dal qof kasta lacag baankeed dhigan karo meel kasta ha ka jooge dunide.

Leave a Reply