Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo warbixin ka siiyey Golaha Wakiillada xeerka Shaqaalaha Dawladda

0
441

Hargeysa(Dawan)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa guda galay dooda xeerka Shaqaalaha Dawladda ee Xeer Lr.97/2021 oo ka soo noqday Golaha Guurtida oo kaabis iyo wax ka bedel ku soo sameeyey, loona qaybiyey mudaneyaasha wakiillada sabtidii, iyadoo fursad loo siiyey inay ku soo akhriyaan muddo saddexda maalmooda.

Fadhigii maanta ee Golaha oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxa mudaneyaasha sharaxaad ka siiyey sooyaalkii uu soo maray xeerka shaqaalaha Dawladdu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Farxaan Aadan Haybe iyo xubno kamida masuuliyiinta kale ee hay’addaasi golaha u horyimi fursad loo siiyey inay sharaxaad-afeed ku ladhaan qabyo-qoraalka xeerkan ee Golaha horyaala.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe oo warbixin oo xeerka ku saabsan mudaneyaasha u jeediyey, ayaa sheegay in diyaarinta, isku-dubaridka iyo ibo-furka kaabista iyo wax-ka-bedelka xeerkani soo mareen marxalad iyo muddo ku filan oo ay kaga soo baaraan-degeen Hay’adda Shaqaalaha, daneeyayaasha Xeerkan iyo golaha xukuumadda markii ay ansixiyeen u soo gudbiyey golihii hore ee Wakiillada.

Halkan ka Daawo Warbixinta Guddoomiya:

Leave a Reply