Mucjisada Jidhka Iyo Shaqadiisa!

0
490

Oohintu waa  hab dabiici ah (natural process ) oo qofka ku dhacda marka uu dareeemo xanuun dhinaca jidhka ama maskaxda ah (psychologically or physically).  Awoodda maskaxda ayaa ah mid kala soocaysa noocyada xanuunka taasi oo aanu jidhku awood u lahayn, haddana sida ay cilmi baadhis kala duwani cadaysay jidhku wuu raacaa xanuunada nafsaaniga ah sidaas darteed qofka ayaa oohin bilaaba haddii uu murugoodo ama uu ka jabo gacanta ama lugta.

Labadan xanuun oo kala duwan haddana mid kasta waxa uu ka muuqanaya muuqaalka jidhka sare kaasi oo uu qofku ku muujiyo Oohin, iyadoo uu jiro dareen muuqaal oo dadka tusa niyad jabka ka muuqda qofka. Dhinaca kalena daraasaddu waxay cadaysay in oohintu ay qofka ka yarayso xanuunka iyadoo siisa waxooga degenaansho ah.

Oohintu waxay jidhka ka caawisaa inuu iska saaro sunta iyo hoormoonada jidhka ka soo baxa ka dib murugada iyo xanuunka. Habdhiska jidhka u qaabilsan saaridda ilmadaasi ayaa ku yaalla dhinaca debedda ee Isha  sidaa awgeed ayuu marka qofku oohinta bilaabo uu Sankuna u raaca isagoo biyo keenay isaguna.  Waxa kale oo oohintu ay hoos u dhigta cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha, iyadoo yaryas manganese-ka jidhka ku jira.

 

Leave a Reply