Nuxurka Tabbabar loo Furay mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

0
462

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka ayaa tabbabar socon doona muddo laba cisho ah u furtay mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland.

Tabbabarkan ayaa ujeedadiisu ahayd tayeynta aqoonta mudanayaasha golaha wakiillada ee dhinacyada dastuurka iyo xeerarka.

Guddoomiyaha golaha wakiilllada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in tabbabarkan waxyaabaha laga baran doono ay ugu mihiimsan tahay, kor joogtaynta hawlaha shaqo ee xukuumadda iyo baarlamaanka, isla xisaabtanka, arrimaha dastuurka iyo dhammaan shuruucda dalka.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo daahfuray tabbabarkani mudayaasha la siinayay waxaa hadaladiisi ka mid ahaa. “Maanta iyo berri halkan golaha uga soo jeedin doona casharo  shaqada golaha wakiillada isla markaana ay ugu horrayso doorka xubnaha golaha wakiillada ee ku saabsan arrimaha sharciga, kor joogtaynta hawlaha shaqo ee xukuumadda iyo baarlamaanka, isla xisaabtanka, arrimaha dastuurka iyo dhammaan shuruucda dalka, waxaan rajjaynaya mudayaashu in ay ka faa’idaysan doonaan aqoonyahankaasi dalka u dhashay ee u soo kordhinaya duruustaasi, maadama goluhu cusub yahay  iyada oo raggu rag aqoon yahan ah uu yahay haddana

Waxaa hawshan inoo soo qaban qaabisay wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, oo aanu uga mahad naqayno wasiirka wasaaradda.

Sidoo kale waxa uu qorshahayagu yahay in aynu baddelo nidaamka ah in xildhibaanku inta uu makhaayad tago uu wakhti badan ku lumin jiray,

xubnaha golaha wakiillada ee ku saabsan arrimaha sharciga, joogtaynta hawlaha shaqo ee xukuumadda, baarlamaanka, isla xisaabtanka, arrimaha dastuurka iyo dhammaanba shuruucda dalka, waxaana hawshani inoo qaban qaabisay wasaaradda xidhiidhka golayaasha oo aynu uga mahad celinayno.”

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay waxaa uu yidhi. “Labada magac ee aanu leenahay ee ah xidhiidhka golayaasha iyo dastuurka labadiiba idinka ayaa muhiimadiisa leh sidaasi darteed waxaa aanu ku khasbanahay sidii loo tayaynlaha dastuurka iyo xeerarka waxaanay ku xidhan tahay tayeynta uu golahani leeyahay, sidaasi darteed naga guddooma oo naga hooya.

Tabbabarkan nuxurkiisuna waa tayaynta aqoonta mudanayaasha annaguna ka wasaaradd ahaan waanu u dhaxayna saddexda dhadhaar ee Qaranku ka kooban yahay”

 

Leave a Reply