Sanaag: Unugga Ilaalinta Dhulka Danta Guud oo lagu Tabobar Ceerigaabo

0
435

Ceerigaabo (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse iyo Agaasime ku Xigeenka Waaxda Dhulka Eng. Sakariye Cabdillaahi Cumar ayaa magaalada Ceerigaabo tobabar ugu qabtay unugga ilaalinta danta guud ee shaqaalaha wasaaradda Hawlaha guud ee gobolka Sanaag.

Tobabarkan waxa ka soo qeybgalay agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda Hawlaha guud oo ay ka mid yihiin agaasimayaasha waaxda dhismaha, waaxda guryaha, waaxda naqshadeynta magaalooyinka, IT/ga iyo agaasime ku xigeenka shaqaalaha iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda ee ka hawl-gala gobolka Sanaag.

Agaasime ku xigeenka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Eng. Sakariye Cabdillaahi Cumar ayaa shaqaalah siiyey warbixino waafiya oo ku saabsan habka ilaalinta dhulka danta guud oo wasaaradu qaranka uga wakiil tahay, wuxuu usheegay in dhulkii maanta noqday geeli la raacayey isla markaana noqday meel lacag laga sameeyey, waajibna ka saaranyahay wasaaradda inay ilaaliso, kormeerto, iyo in ay qaranka udhawrto dantiisa guud ee hantida u ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse oo furey tobabarkan ayaa shaqaalaha ujeediyey hadaljeedin ku sabaasan aasaaska unugga heeganka ilaalinta danta guud, shuruucda dalka, waajibaadka wasaaradu uqaabilsantahay qaranka, barashadda dastuurka iyo xeerka maamulka dhulka ee No: 17.

Agaasime Jammaal Cabdi Muuse ayaa shaqaalihi tobabarkan qaadanayey usoo jeediyey inay qaadan xil qaran iyo mid muwaadinimo, inay iyagu ilaashadaan danta guud isla markaana heegan unoqdaan, hadii ay ilaashadaan danta guud ay noqon doonto mid noqota mid u ilaashan jiilalka soo socda iyo in shaqaalaha maanta halkan fadhiya oo kasoo baxay xilalka ay maanta hayaan iyo masuuliyadeeda alle ka xisaabin doono.

 

 

 

 

Leave a Reply