Lama Ururuyo Gefka Dadka Kale!

0
387

  • Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell  ayaa yidhi : “ Noloshu way ka gaaban tahay wayna ka qiimo badan tahay in aynu ururino gefafka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diro” . Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka ururiyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay.
  • Cabdimalik Ibnu Marwaan waxa uu yidhi : “ Dadka waxaa ugu wanaagsan, qofka aan kibirin  marka uu sarreeyo, wax cafiya marka uu awoodo, cadaaladda sameeya  marka uu xukun hayo”.
  • Jibraan Khaliil Jibraan waxa isaguna yidhi : “ Marka aad wax bixinayso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin qofka aad wax siinayso kor ha u eegin si xishoodkiisa aanad u dareemin”.  Taasi waa wax bixinta heerka ugu sareeya.
  • Faylasufkii Plato waxa uu yidhi: ” Dagaalka qofka uu naftiisa la galo ayaa ah guusha ugu weyn ee aadamuhu gaadho”.   Naftu waxay kuu diidaysaa wax kasta oo faa’iido kuu leh. “ Arrimaha  badan ayaa qofka nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu muhiimsan yididiilada”.

 

 

 

Leave a Reply