Miisaanka Akhlaaqda Wanaagsan!

0
708

Rasuulka (scw) ayaa la weydiiyey arrinka ugu badan ee dadku jannada ku gelayaan, markaas ayuu Rasuulka Allah (scw) ku jawaabay ” Akhlaaq wanaaga iyo Allah ka cabsiga”.

Mar kale Nebigu (scw) wuxuu inoo tilmaamay in adoomaha uu Allah ugu jecelyahay ay yihiin kuwa dhaqanka wanaagsan”.

 

Rasuulka Allah (scw) waxa uu inoo sheegay in maalinta Qiyaame ay akhlaaqda wanaagsani tahay tan ugu miisaanka culus acmaasha la miisaamaayo. (Waxa weriyay Ibnu xaban).

Dhammaan xadiisyadaaasi waxay ina tusayaan sida Islaamku inoogu dhiiri geliyay akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan. Umaduhuna waxa ay ku dhisan yihiin akhlaaq haddii la waayona iyaguna way baab’aan.

Saxaabiga Abuu Hurayrah (RC) Wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: ‘Ummadaydu Jannaday wada gelayaan kii diida  mooye. Waxaa la waydiiyey: Rasuulkii Alloow (scw) oo waa kumaa ka diidaya? Rasuulka Allah (scw) wuxuu ku jawaabay: “ Qofkii i adeecaa Jannada ayuu geliya qofkii caasi igu noqdaana waa qof diiday (oo Jannada ma gali doono). (Bukhaari)

Leave a Reply