Aniga Hadalkaygu Isma Bedbedlo!

0
496

Nin caaqil carbeed ah ayaa la weydiiyay waa imisa da’daadu? Waxaana uu ku jawaabay waxaan ahay 40 sano. Markii toban sano ka soo wareegtay ayaa haddana la weydiiyay da’diisa markaas ayuu haddana yidhi waxaan ahay 40- sano.

Dadkii oo yaaban ayaa ku yidhi oo 10 sano ka hor ayaad noo sheegtay da’dan waa sidee?

Waxaan uu ku jawaabay: “ Waxaan ahay nin weyn waxaan ka baqayaa inaan hadalkaygii hore ee aan idiin sheegay aan bedelo “ Xikmad waa inaad had iyo jeer ilaaliso odhaahda iyo balanka aad dad la gasho, haba ahaado arrin adiga kugu adage.

Leave a Reply