“Waxaan u Arkaa Masuuliyad Culus oo Dalka iyo Dadkaba Qiimo u le” Wasiirka Arrimaha Dibadda

0
733

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd, ayaa ka dareen celiyay xilka wasiirnimo ee uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu wasiir Kayd, madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay xilka wasiirnimo ee uu u magacaabay, kaasoo uu tilmaamay inuu u arko mid masuuliyad culus ah oo dalka iyo dadkaba qiimo weyn u leh.

Dr. Ciise Kayd, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu sheegay in uu xilkaasi u gudan doono sida ugu haboon, isla markaana uu aqoonteedii iyo kartidiiba u leeyahay.

“Maanta (shalay) waxaan doonayaa uun, in aan u mahad naqao madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo aan uga mahad celinayo magacaabista xilkan culus, ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waxaan u arkaa in ay tahay masuuliyad culus, oo dalka iyo dadkaba qiimo u leh” ayuu yidhi wasiirka cusub ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, ayaa intaas raaciyay inuu xilkaasi mar kasta ku dedaali doono inuu si hufnaan ah u guto waajibaadkiisa shaqo.

Waxaanu yidhi, “Waxaanan u qaadanayaa in aan sida ugu haboon, ee shaqadaas aan u qabanayo, oo aan kartideedii iyo aqoonteediiba leeyahay.

Sidaas daraadeed, aad iyo aad baan mar labaad ugu mahad naqayaa madaxweynaha Somaliland oo bishan September 2-deedii ii magacaabay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxa kaloo aan u mahad naqayaa, wasiir ku-xigeenka cusub ee isna loo soo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda, oo aanu maanta (shalay) kulankayagii u horeeyay yeelanay” ayuu yidhi wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland.

Leave a Reply