Falanqayn Kooban: Buugga Hadraawi ee Hawaale Warran

0
131

Buugan waxaa qoray Maxamed Ibrahim Warsame “Hadraawi”—2012. Waxaa tifaftiray Maxamed Saleebaan Cumar—2021. Waxaana daabacday shirkadda Sagaljet oo xafiiskeeda guud ku yaallo magaalada Hargeysa. Wuxuu ka kooban yahay 234 bog iyo lix cutub oo uu u qaybsan yahay. Waxaa loo nashqadeeyay qaab heer sarreysa iyada oo waraaqaha lagu daabacayna ay yihiin qaar indhaha akhristaha soo jiidanaya iyada oo jaldiga iyo sawirka loo doorayna si wacan ugu soo baxayo aqoonta iyo waayo aragnimada uu xambaarsan yahay buuggu. Waxaa kale oo buuga jaldigiisa ku qoran kalmado kooban oo ay ka yidhaahdeen rag waawayn oo Hadraawina garasho dheeri ka dhaxayso buugana si gaara loogu xushay in ay soo akhriyaan, talo ka dhiibtaan kalmad ku habboonna ku darsadaan oo ay ka mid yihiin Rashiid Gadhweyne, Dr Afrax & Abwaan Gammuute.
Wuxuu ka kooban yahay lix cutub oo u habaysan qaab isku dhafan oo ah mid taariikheed & mid mawduuceedba. Waxa ay u muuqataa in tifaftiraha iyo odayaasha kale ee buuga qoraalkiisa talada ku lahaa in ay sidan u hormeeyeen. Cutubyada hore waxa ay ka hadlayaan noloshii hore ee Somaalida, dhaqankoodii, dhaqaalahoodii, xoolahoodii, guurkoodii & geeddigoodii nololeed. Cutubka afaraad wuxuu kaga hadlayaa xilligii gumaysiga, magaalogalka, isbadalka ku dhacay bulshada, doodda ku saabsan haweenka, qurbaha, kudaal iyo suudalka dadka Soomaalida. Cutubka shanaad wuxuu kaga hadlayaa Abuurta iyo Iblayska. Cutubkan wuxuu Hadraawi ku lafagurayaa sida ay muhiimka u tahay diinta islaamku, noloshu sida ay ku bilaabantay iyo dagaalka Ibliis ee la kowsaday abuuritaankii Nabi Adam & hooyadeen Xaawa, doorka culimada looga baahan yahay, halka maanta laga taagan yahay ku dhaqanka diinta, Jidkii dayacan oo la qaaday, Ilaah-diidnimada, qofku markuu diinta ka fogaado sida uu noqonayo, saadaasha dunida iyo erey dhaanwade oo uu ku soo xidhayo qaybtan.
Cutubka ugu danbeeya oo ah kan ugu dheer wuxuu kaga hadlayaa sidii gumaysigu ku yimi dhulka Somalida, xornimadii & dawladnimadii cusbayd, Doonistii shanta Soomaaliyeed iyo israacii Waqooyi & koonfur, maamul xumadii dawladihii rayidka ahaa & kacaankii askarta, caddaalad darradii & musuqmaasuqii kacaanka, dareenkii dadka reer waqooyiga & cadaadiskii askarta, Suugaantii dareennadaasi keeneen & Siinley/Deelleydii, jabhadihii hubaysnaa iyo ridistii Siyaad Barre IHN, Kala noqoshadii & dib u dhiskii Somaliland, Somaliland iyo aqoonsiga, Xaaladda maanta lagu jiro, dhibaataynta deegaanka/dhirta/xoolaha iyo xayawaanka kale, Dawladnimada iyo ugu danbayn talooyin ku saabsan dalka iyo dadka.
Marka aynu u nimaadno qaabka buuggu u qoran yahay waxaad arkaysaa in cutubyada iyo mawduucyada uu qoraagu ka hadlayaa ay qaab isku mid ah raacayaan. Tusaale ahaan cutub kasta wuxuu ku bilaabmayaa hal ku dhigyo loogu dooray si xeeldheeri ku jirto. Waxaanay kala yihiin:
1. “Haddii anshaxu lumo waxa yimaadda jahli sababa in qofku dareenka dadnimadu ka guuro”.
2. “Qofka camalkiisu waxa uu qurux badan yahay marka uu hibo waafaqsan u leeyahay”.
3. “Si nololwadaaggu u fududaado, waa in wax isu ahaani jirto, dadkuna yeesho xeer iyo xadhig wax ka dhexaysiiya”.
4. “Hu’gu qofka waxba uma taro haddii aanu huwanayn hu’ga anshaxa iyo hufnaanta”.
5. “Ibliis halna ma aha, laakiin wixii aan hal ahayn ee marinhabaaba ayuu hannahaybsan ku carraabiyaa”.
6. “Dalka dadka ayaa wax ka dhiga, Dadkana dalka ayaa wax ka dhiga”.
Waxaa sidoo kale qoraaga buuggu si farshaxannimo leh uu u adeegsanayaa suugaan kala duwan oo uu markhaati uga dhigayo marba mawduuca uu ka hadlayo kuwaas oo u badan tuducyo ka mid ah maansooyinkiisii iyo gabayadiisii iyaga oo aanay meesha ka maqnayn suugaan uu soo ergisanayo kuwaas oo ay leeyihiin abwaanno kale oo ay ka mid yihiin Qammaan Bulxan IHN, Adan-carab IHN, Ismaaciil Mire IHN, Qaasim IHN, Cabdi-gahayr IHN, Timacadde IHN, Abwaanad Canbaro Iqk.
Waxaynu qaybta 2aad kaga hadli doonaa sida buuggan Hawaale warran kuu barayo toban Haddraawi oo ka duwan midka aynu ku naqaannay Abwaannimada kuwaas oo kala ah: Taariikhyahan, Aftahan, Dhaqanyaqaan, Dhulyaqaan, Filoosafar, Aqoonyahan, Hogaamiye, Waayo arag, Xaq u dirir, Diin yaqaan. Waxaynu kale oo si faahfaahsan ugaga hadli doonaa aragtiyaha falsafadeed ee qoraagu halkan ku soo gudbinayo. Waxaynu kale oo eegi doonnaa sida uu nolosha u arko qoraagu iyo doorka qofku ku leeyahay. Waxa aynu sharrixi doonnaa tiirarka ugu waawayn ee qofka Soomaaliga ah lagu qiimeeyo bulshada dhexdeeda. Waxaynu sidoo kale soo bandhigi doonaa murti, maahmaahyo iyo sheekooyin uu qoraagu buugan inagula wadaagay. Waxaynu sidoo kale eegi doonnaa sideebuu Hadraawi u arkaa dawladnimada, Somaliland, reer galbeedka, Ibliiska, diinta, dadka iyo dunida. Waxaynu ku soo gabagabayn doonnaa dhaliilaha buugga, meelaha uu ka gaabiyay iyo wixii talooyin ah ee aynu u soo jeedinayno qoraha buuga iyo tifaftirahaba Insha Allah.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdifataax Rashiid Maxamed
04/09/2021
Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply