Berbera: Istaanka socdaalka gobolada iyo heshiiska geediga Shirkaddaha Gaadiidka

0
553

Qore. Saleeban Kalshaale

“Waxa naloo doortay in aanu umaddayada u odorosno oo u hilaadino nolol wanaagsan iyo horumar..”Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin

Berbera(Dawan)-Maamulka Dawladda hoose ee Degmada Berbera iyo Masuuliyiinta Iskaashatada Gaadiidka dadweynaha ee u kala baxa Magaalada Berbera iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn oo ay kamid tahay Caasimada Hargeysa, ayaa heshiis ku gaadhay inay muddo soddon maalmooda Shirkaddaha Baabuurtu ay ugu guuraan xarun Dawladda hoose uga dhistay gudaha Magaalada oo ah Istaan loo dhamaystiray dhamaan inkaaniyadkii aasaasiga ah ee loo baahnaa.

Istaankan oo ah Terminal loo dhisay qaab casri ah, lana qalabeeyey, ayaa waxa loogu talogalay oo heshiiskana ku cad in Shirkaddaha Gaadiidka Basaska rakaabka qaada leh, ay Xafiisyadooda gudaha Magaalada Berbera u rarraan, iyadoo loogu diyaariyey guryihii ay ka furan lahaayeen xafiisyada, Hoolka ay Rakaabku ku sugayaan Gaadiidka iyo meelihii Baabuurta lagu xaraynayey.

Heshiiska Dawladda hoose iyo Shirkaddaha Gaadiidka, ayaa yimi kaddib khilaaf taagnaa dhawr maalmood oo ka dhashay cago-jiid ay gaadiidlaydu kaga warwareegeen inay u guuraan xaruntaasi,kaasoo sababay in Dawladda hoose amar ku siiso in aanay meel kale oo magaalada dhexdeeda ah wax rakaab ah ka qaadan karin.

Ismari-waaga oo saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka Rakaabka qaada ee Berbera iyo Hargeysa muddo kooban, ayaa lagu soo afjaray kulan maalintii shalay lagu qabtay xarunta Dawladda hoose oo ay wada yeesheen, Maamulka Gobolka Saaxil, Degmada Berbera, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka iyo masuuliyiin ka socda iskaashatada Shirkaddaha gaadiidka.

Kulankan ayey dhinacyada Dawladda hoose iyo Shirkaddaha Gaadiidku ku gaadheen heshiis ka kooban saddex qodob, kaasoo uu ugu muhiimsan qodobka ah inay Shirkadduhu ku guuraan soddon maalmood, iyadoo ay go’aankaasi soo wada gooyeen xubno kamida Golaha Deegaanka iyo guddida Iskaashatada Gaadiidka oo dhinac ah.
“Waxaanu ku heshiinay inay Shirkadduhu muddo soddon maalmood ugu guuraan terminaalka cusub ee la sameeyey”ayuu yidhi Xildhibaan Cali Cabdi dheere oo kamida guddida arrimaha bulshada ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera.

Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska ayaa dhankiisa balanqaaday inay u hogaansamayaan oo ay fulinayaan heshiiskaasi.

Maayarka Magaalada Berbera, ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdishakuur Maxamuud Cidin iyo Badhasaabka Gobolka Dr. Axmed Maxamed Xaashi oo gebagebadii kulanka ka hadlay, ayaa isku raacay in dhismaha Istaanka loo sameeyey gaadiidka rakaabka u qaada goboladu uu ahmiyad u leeyahay horumarinta nidaamka magaalada iyo inay dadweynuhu helaan goobo loogu fuliyo adeegyada danta guud.
“waxaynu doonaynaa dayaca Magaalada ee banaanada yaalla inaynu ka faa’idaysano jaaniska ay maanta Berbera haysato. annaga wax dhibaato ah iyo caqabad midna nalooma dooran, waxa naloo doortay in aanu umaddayada u odorosno oo u hilaadino nolol wanaagsan iyo horumar”ayuu yidhi Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo gaadiidlayda u hoga-tusaaleeyey ujeedada ay istaankan ugu dhiseen.
“Magaalooyinku way dhismaan iyadoo oo aan adeegyada danta guud loo qorsheynin, markaa waxan idiin sheegaynaa in aanu doonayno in adeegyada umaddu u baahan tahay magaalada gudaheeda laga helo”ayuu raaciyey.

Dr. Axmed Maxamed Xaashi Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, ayaa uga mahad celiyey Maamulka Dawladda Hoose iyo Shirkaddaha gaadiidka Basaska heshiiska ay ku soo afjareen isdiidmooyinka ka taagnaa isticmaalka Istaankan.

Xaruntan Dawladda hoose u dhistay Gaadiidka Magaalada uga baxa gobolada, ayaa ah kaambool weyn oo isku-qofalan, kaasoo ka kooban Xafiisyo, Hoolol qalabaysan oo loogu talogalay inay Rakaabku ku nastaan, barxad baabuurta la dhigo iyo adeegyadii kale ee daryeelka Gaadiidka iyo Rakaabka.

Waxaana loogu talo galay inay Baabuurta rakaabka ka qaadaysa Magaalada ee geynaysa Magaalooyinka kale ay halkaasi ka baxaan, isla markaana kuwa soo gelay ee magaalooyinka kale ka imanayaana ay Rakaabka ku soo dejiyaan, waxaanu mashruuca dhismaha terminalkaasi kamid yahay mashaariicda muhiimka ah ee ay Dawladda hoose fulisay sanadihii u dambeeyey.

Leave a Reply