Wasiir ku xigaanka caafimaadka oo qoraal barahiisa bulshada lagu baahiyey gudoomiyaha wadani ku tilmaamay mid madmadow galinaya madax banaanida Jamuuriyada Somalinad

0
551

Wasiirku xigaan caafimaadka Somalilan, Md. Liibaan yuusuf,  ayaa ku tilmaamay qoraal lagu baahiyey baraha bulshada ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, mid shaki iyo madmadow gelinaya mowqifka Xisbiga Waddani ee madax bannaanida Somaliland.

Wasiir kuxigeenkii hoore ee arrimaha dibedda oo dhawaan loo beddelay Wasaaradda Caafimaad Liibaan Yuusuf, oo ka hadlayey qoraalkan Guddoomiye Cirro baahiyey ee la xidhiidhay inuu la kulmay Ergayga dawlda Norway u Qaabilsan wadda- Hadalka iyo Dib- U heshiisiinta Somaliland iyo Somalia, ayaa yidhi

“Marka Laga yimaado kala aragti duwanaashaha Arrimaha Guddaha( internal issues) ee Asxaabta Qaranka, Mabaadi’ada( principles) iyo Afkaarta siyaasiga ah ( Ideology) ee Wadddani Iyo Kulmiye Ku kala duwanyahiin waxa kow ka ah Halka ay ka kala taaganyahiin Arrinka Qadiyada iyo Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Aad buu usoo xoogaysanayaa Dareenka Shakiga Gelinaya Qaranimada Somaliland ee ka Muuqda afkaarta iyo Mawaaqifta Hogaanka iyo Masuuliyiinta U saraysa Xisbiga Waddani, Miday keenaanba tii kale ka daran, Shacbiga Somaliland si feejigan Bay u eegayaan hadalkii shalay uu ku qoray Bartiisa Facebook iyo Tweeterka Gudoomiye Ciro ee ahaa ” Waxan wadda hadalnay Ergayga dawlda Norway u Qaabilsan wadda- Hadalka iyo Dib- U heshiisiinta Somaliland iyo Somalia)”waxa uu sii xoojiyay Darrenadda madawga galinayaa Mawqifka xisbiga Waddani ee Madaxbanaanidda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana looga fadhiyaa Raali-Galin iyo Sixitaan, inkastoo Hore Loogu maahmaahay (Waano Dhalan Baa ka Addag).

Leave a Reply