Baro Sida Loo Kala Qiimo Badan Yahay !

0
969

Nin caqli badan ayaa isagoo safar ku jira helay dhagax macdan qaali ah. Dhagaxii isaga oo sita ayay nin kale oo isna safar ah kulmeen oo aan wax raashin ah sidan. Ninkii xakiimka ayaa shandadiisa furay oo raashinkiisa wax ka siiyay ninkii safarka kula jiray.

Ninkii ayaa arkay shandada dhagaxa qaaliga ah ee ugu jira waxaana uu garnayay qiimaha dhagxaasi, ka dibna Caaqilka ah ayuu weydiistay inuu siiyo dhagaxaasi?

Ninkii caqliga badnaa isagoon jawaab ku celin ayuu siiyay oo ku yidhi:“ Qaado waa dhagax macadan qaali ahe”.

Ninkii markii ay kala tegeen aad ayuu ugu faraxsan dhagaxan qiimaha leh ee uu siiyay.

 

Markii magaalada uu la yimi ee si rasmi ah u ogaaday qiimaha dhagaxa iyo inuu yahay mid noloshiisaba ku filan, ayuu dib ugu noqday ninkii xakiimka ah ee siiyay dhagaxx waxaan uu ku yidhi: “ Waad ogayd aniguna waan ogaaday qiimaha qaaliga ah ee dhagaxan joogo, haddana si yar oo fudud ayaad markiiba ii siisay. Markaa anigu ma rabo dhagaxa ee waakan an side qaado.

 

Laakiin waxaan ka codsanaya inaad isiiso waxa gudahaaga ku jira ee kuu ogolaanaya inaad bixiso  shay  sidan qaali u ah, iyo sida aan ku noqon karo adigoo kale?!.

Ninka caaqlika ahi waxa uu ku yidhi :” Waa inaad barato sida loo kala qiimo badan yahay, Aadamiga ayaa ka qiimo badan macdanta, adigoo qiime leh ayaad I weydiisay wax ka liita, waa in aan adiga ku kasbado oo aanan qiimayn waxa adiga ka hooseya kana liita. Waana sababta adiga laftaadu aad usoo celisay dhagaxan mar hadaan adiga ku qiimeeyay.

Sidaasi ayay dadka xikmada leh ee wanaagsani dadka u qiimeeyaan laakiin aanay la weynayn alaabooyinka si kasta oo ay qaali ugu yihiin.

Leave a Reply