Wasiirkii Tamarta oo  Xilkii ku wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaas

0
347

Hargeysa (Dawan) Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka qabsoontay Gudaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL waxaana ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Gudoomiyaha Komishanka Korontadda, Gudoomiyaha Barakacayaasha, Gudoomiyaha Maamul wanaagga,  Madaxda hay`adaha dawlada, masuuliyiin ka socday shirkado kala duwan oo maxaliya iyo kuwo caalamiyaba, sidoo kale waxaa madasha soo xaadiray  xubno metelayey hayadaha Ajaanibkaa ee dalka ka shaqeeya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ula shaqeeya Wasaarada iyo weliba qaar kamida Salaadiinta Somaliland.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Mukhtaar Maxamed cali oo munaasibadda hadalo kooban kasoo jeediyey ayaa soo dhaweeyey Wasiirka Cusub, Mudane Cabdilaahi faarax cabdi isagoo sii sabootiyey Wasiirki Hore Jaamac Xaaji maxamuud Cigaal, Wuxuuna sharaxay Qorshaha udagsan Wasaaradda, sidoo kale wuxuu ubalanqaaday sidii ay Wasiirki hore ula shaqeynayeen iyo si kasii wanaagsan in loola shaqeyn doono.

Wasiirkii hore Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo Munaasibadda hadalo kooban ka jeediyey ayaa ugu horayn u mahad celiyey shaqaalihii la soo shaqeeyey, Isagoo dul istaagay mashaariic doora oo uu  hirgaleyey intii uu xilka hayey sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda isagoo balan qaaday inuu la  shaqayn doono wax kasta oo uu uga baahdana la garab taagan yahay.

Ugu danbayn waxaa halkaa ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta mudane Cabdilaahi faarah cabdi oo isna dhinaciisa u mahad naqay Wasiirkii hore  ee Wasaaradda kuna hambalyeeyey wax qabadka laxaadka leh ee la taaban karo ee uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka hayey waxaanu balan qaaday inuu halkaa ka sii wadi doono shaqadii wasaaradda. intaa ka bacdi waxaa si rasmiya  Wasiirkii hore ee wasaaraddu xilkii Wasaaradda ugu wareejiyey Wasiirka cusub ee  Wasaaradda loo soo maga caabay.

 

Leave a Reply