Munaasibad lagu Shaacinayay Xarun Caafimaad oo Dadka Xannuunka Dhimirka la Nool lagu Daweyn Doono ayaa lagu Qabtay Magaalada Berbera

0
395

Berbera  (Dawan) Munaasibad lagu shaacinayay xarun caafimaad oo loogu talo galay in dadka xannuunka dhimirka la nool lagu daweeyo ayaa lagu qabtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Munaasibadan ayaa waxa goob joog ka ahaa duqa degmada Berbera, xoghayaha dawladda hoose, masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee gobolka Saaxil iyo marti Sharaf kale.

Ugu horrayn waxa goobta ka hadashay Saynab Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha ururka Maamo Foundation, waxaanay tilmaantay in daahfurkani yahay kii labaad iyada oo daahfurkii koobaad ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanay sheegtay in cisbitaalkan lagu daweyn doono haweenka xannuunka maskaxda la nool lana gaadhsiin doono gobollada Somaliland oo dhan, isla markaana lagu dari doono qayb ragga ah mustaqbalka.

Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee goobtaasi ka hadlay ayaa dhammaantood soo dhaweeyay xaruntan caafimaad ee lagu dabiibi doono dadka xannuunka maskaxda qabba, isla markaana balan qaaday in ay gacan weyn ka geysan doonaan dhismaha cisbitaalkani.

Ugu danbeyn duqa degmada Berbera mudane Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa haweenka ku hawlan hirgelinta dhismahani ku hanbalyeeyay cisbitaalka lagu daweyn doono dadka qaba xannuunka maskaxda.

Cabdishakuur Cidin isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray in ay bixiyeen dhulkii cisbitaalkaasi laga dhisi lahaa.

 

 

Leave a Reply