Xikmadaha Maanta

0
372
  • Ruuxii samira noloshiisu ma burburto, qofkii garanaya qiimaha jaceylka Allah nolosha way u sahlanaan doontaa .. Qofkii farxadda la qaybsada dadka kale wuxuu dareemi doonaa qiimaha aadamiga.
  • Tuugu wuxu ka xadaa alaabta laakiin beenaaluhu wuxu ka xadaa Maskaxda
  • Cadaanka macanihiisu maaha qurux waayo Kafantuba waa cadaan, Madawga laftiisuna maaha foolxumo waayo dhagax kacbaduba waa madow.
  • Qofka quruxdiisa ma aha muuqaalkiisa iyo sida u muuqdo, quruxdiisu waa akhlaaqda
  • Hadii codka dheer rag lagu noqon lahaa Eyguna wuxu noqon laha Madax
  • Haka werwerin waxay dadku kugu sheegayaan waayo waxaad tahay aadame gef badan.
  • Waxa badan haku mashquulin fikirka arin dhib kugu haysa, laakiin Allah weydiiso denbi dhaaf, maxaa yeelay denbi dhaafku wuxu furaa albaabo aanu fikirku furin

Leave a Reply