Kelmada Fiican Iyo Saamaynta Mustaqbalka!

0
345

Markii uu sheekhu ka soo baxay muxaadarada uu jeedinayay ayuu salaamay Wiil yar oo da’diisu ahayd 15 sano jir ah. Sheekha ayaa soo dhoweeyay waxaana uu weydiiyay magaciisa. Wiilka yar ayaa u sheegay in lag magacaabo Khaalid.

Sheekha aya ku yidhi: “ Khaalidow , codkaagu aad ayuu u wanaagsan yahay xafid Quraanka, Allah hakaa dhigo mid ummadda codkiisa macaan ku tukiye”. Erayadaasi saamayn weyn ayay wiilka yar ku reebeen waxaana uu ku dadaalay xifdiga Quraanka Kariimka. Isagoo markii danbena dhameeyay.

Sheekh ayaa 20 sano ka dib ku tukaday masaajid, isagoo aad uga helay Imaamkii masaajidka codkiisa, waxaana uu usoo kacay si uu ugu hambalyeeyo codka macanaa ee Allaha (sw) siiyay ee ku tukinayo ummadda.

Nasiib wanaag wiilka yari waaba Khaalidkii uu kula taliyay uguna duceeyay inuu Allah ka dhigo xaafid Quraan. Kelmadda dhiirgeinta ah ee aad qof siiso ayaa u abuuri karta qofka rajo iyo mustaqbal fiican. Waanad fiican iyo dhiirgelinta aad siiso ilmahaaga waxa ay u bedelaysa si buuxda mustaqbalka ilmahaaga.

 

Leave a Reply