Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Shaaca ka Qaaday in uu markale u Taagan yahay jagada Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

0
375

Hargeysa (Dawan)  Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah  ee WADDANI mudane  Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in uu markale u tar tamayo jagada guddoomiyaha xisbiga, doorashada qabsoomi doonta shirwaynaha xisbiga ee la qaban doono 30-31 October.

Qoraal uu maanta oo Jimce ah bogiisa Facebook ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook, ayuu guddoomiyuhu ku shaaciyay in uu markale u taagan yahay doorashada guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo uu soo hayay tan iyo markii la as aasay xisbigaas 9 sano ka hor.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada u u uku yidhi.”Waxa aan maanta oo Jimce ah si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo qabsoomi doona 30-31 Oktoobar 2021. Guul”

Sannadihii u danbayay ayaa waxa la hadal hayay in guddoomiye Cirro uu jagada guddoomiyaha xisbigaas wareejin doono, isagoo Cirro laftarkiisu uu muddo 4 sano ka hor ah sheegay in uu xilka guddoomiyaha xisbiga ku wareejin doono hoggaamiyaha kumeel gaadh ka ah ee xisbiga WADDANI Cabdilqaadir  Jirde.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid kale oo shaaca ka qaaday doonista jagada guddoomiye ee xisbiga WADDANI, waxaase suurto gal ah in ay soo baaxan siyaasiyiin kale oo rajJo ka qabBa jagada guddoomiyaha xisbiga in aan la gaadhin dhamMaadka October.

Leave a Reply