Farxadda Dabaaldegga Iyo Khasaaraha!

0
258

Caadooyinka sanad kasta oo cusub lagu soo dhoweeyo waa kuwo yaab leh. Dalka Denmark marka sanadka  cusubi soo dhowaado waxay diyaariyaan suxuun iyo dabaqyo baali ah oo wakhti hore la isticmaalay kana samaysan quraarado.

Maalinta ay bisha Diisambar tahay 31, ayay suxuuntaasi ku jejebiyaan guryahooda hortiisa  iyagoo weliba ay kala soo qayb galaan saaxiibadood iyo qarabadooda.

Ujeedada xafladan burburinta suxuunta baaliga ah ayaa ah iyagoo aaminsan inay ka xijaabayso kana clinayso sharka iyo belaayada sanadka cusub. Iyo in nasiib xumadu ay raacdo sanadkaasi tegay, iyo soo dhowaynta rajada wanaagga sanadka cusub.

Dalka Argantiin ayaa isaguna u xusa si cajiib ah bilowga sanadka cusub ee miilaadiga ah.  Bulshada Aragntiin ayaa dhamaadka sanad kasta marka ay saacaddu gaadho 12 habeenimo xidhaan dhar casaan ah.   Waxaana waajib ah in qof kasta halkuu doonayo haka yimaado uu xidho dharkaasi isagoo weliba hor gelinaya lugtiisa midib.

Arimahaasi waxay dhacayaan marka saacaddu ay garaacdo 12 habeenimo.  Cagaha ayaa xoog u shaqaynaya marka uu bilwodo sanadka cusubi.

Dalka Baraasiil ayaa isna xafladda sanadka cusub maalintiisa u horaysa dhamaantood soo xidha dhar cad cad. Ujeedada ay ka leeyihiin ayay ah inay ku fogeeyaan rooxaanta sharka badan deeganadooda, waxaana ay aaminsan yihiin inay ka durkaan ilaa toddoba badood meesha dharka cad lagu xidhay sanadkaasi. Waxa kale oo ay aaminsan yihiin inay xidhashada dharka cadi usoo jiidayso nasiib wanaagsan sanadkaasi.

Leave a Reply