“Hoggaanka xisbiga WADDANI waxa ka muuqda shaki aamin sanaantooda Qadiyada Somaliland”Xoghayaha xisbiga KULMIYE.

0
290

Hargeysa (Dawan) Xogeeyaha guud ee xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, Ibraahin Axmed Raabi, ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee xisbiga mucaarad ka ah ee WADDANI in aanay si buuxda u aaminsanayn qadiyada madax bannaanida Somaliland

Xogeeyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa ku dooday in marka la eego hadalada madaxda xisbiga WADDANI, warbaahinta ka sheegaan ay u egtahay in hoggaanka xisbigaas aanay ka dhab ahayn aaminsanaantooda qadiyada Somaliland.

Xoghaye Ibraahim isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Arrinta Qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland waxay ugu jirtaa meel adag, xisbiga KULMIYE, haddaanu nahay waxay arrintaasi nagaga taala meel adag, haddaba waxa ayaan daro ah in markasta oo ay qadiyada Somaliland noqoto ay hoggaanka xisbiga WADDANI ka muuqato shaki aamin sanaantooda arrintaa”

Xoghayuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.”Waxa ka muuqata in aanay marnaba liqsanayn madax bannaanida Somaliland, waxa kuu muujinaysa hadalada soo noq noqday ee hoggaanku markasta warbaahinta la soo taagan yahay, qadiyada Somaliland ciyaar ku may iman, cid lagama baryin, dhiig bay ku timiday, tacab ayay ku timid, samir ayay ku timid”

Xogeeye Raabi ayaa si gaara guddoomiyaha xisbiga WADDANI, mudane  Cabdiraxman Maxammed Cabdillaahi (Cirro) ugu eedeeyay in aanu aaminsanayn qadiyada madax bannaanida Somaliland, isagoo xusay in guddoomiye Cirro aanu badana ka soo qayb galin xafladaha maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.”Waxa ayaan daro ah in guddoomiyaha xisbiga Waddani uu boqolaal jeer warbaahinta isla soo taagay in aanu aaminsanayn munaasibada 18 May, markasta oo la qabanayo xuska 18 May guddoomiyaha xisbiga Waddani kama soo qayb galo” ayuu yidhi xogeeyuhu.

 

 

Leave a Reply