Xukuumadda Somaliland oo anbabixisay dhallinyaro maqalka naafo ka ah oo mateli doonta Qaranka Somaliland.

0
399

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaradaha ee Somaliland, isla markaana uu weheliyo xidhiidhka kubbada cagta ayaa garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ku sii sagootiyay dhallinyaro maqalka naafo ka ah oo ka qaybgaleysa tartanka kubada cagta ee loo qabanayo ciyaartoyda maqalka naafada ka ah ee Qaarada Afrika.

Kooxdani ku mataleysa Somaliland tartanka Kubbada Cagta ee maqalka naafada ka ah ee lagu qaban doono magaalada Nayroobi ee dalka ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka Kubbada Cagta Khadar Jiilaal, iyo Diridhaba oo ah macalinka hoggaaminaya kooxdaasi waxaanay sheegeen in kooxdani la ciyaari doonto sagaal iyo toban dal, oo ka mid ah waddamada Qaarada Afrik, iyaga oo matelaya in Somaliland ay qurux u tahay in ay ka qayb galaan tartankaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Siciid Khaawi ayaa tilmaamay in kooxdani la ciyaari doonto dalal caan ka ah Kubbada, isla markaana ay ka mid yihiin Masar iyo Nayjeeriya, waxaanu intaas raaciyay in uu rajaynayo in kooxdani guul hor leh ay ka soo hoyn doonto tartankaasi, iyaga oo hore uga badiyay dhigooda dalka Jabuuti waxaanay kaga adkaadeen todoba gool iyo eber.

 

Leave a Reply