Guddoomiye ku xigeenka gobolka Daadmadheedh ayaa kulan la qaatay isu duwayaasha wasaaraddaha ee xukuumadda Somaliland ee gobolkaasi

0
369

Daadmadheedh (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka gobolka Daadmadheedh ayaa kulan la qaatay isu duwayaasha wasaaraddaha ee xukuumadda Somaliland ee ka hawlgala gobolka Daadmadheedh.

Kulkan oo ka qabsoomay xafiiska gobolka ayaa ahaa mid ay isku xog wareysanayeen badhasaab ku xigeenka gobolka Daadmadheedh iyo isu-duwayaasha wasaaraddaha ee xukuumadda Somaliland ee gobolka Daadmadheedh, waxaana markii kulankaasi soo dhammaaday halkaasi isu-duwayaasha hadal uga jeediyay, isu-duwaha wasaaradda cadaaladda ee gobolka Daadmadheedh Maxamuud Daahir Caraale, waxaanu xusay in loo baahan yahay in cadaaladd lagu dadaalo isla markaana loogu adeego bulshada so cadaalad ah.

Gaba-gabadii guddoomiye ku xigeenka gobolka Daadmadheedh ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh Maxamuud Axmed Cali Jubba, ayaa sheegay in kulankan ay iskaga xog wareysanayeen waxyaabaha wasaaraddaha u qabsoomay iyo waxyaabaha u qorshaysan, isaga oo caddeeyay in loo baahan yahay in wasaarad waliba ay soo bandhigto qorshayaashii ay gobolka Daadmadheedh ugu talo gashay sannadka soo socda ee 2022-ka, maaddama uu dhammaanayo sannadka 2021-ka.

Ku xigeenka guddoomiyaha Daadmadheedh waxa uu sheegay in xaalada nabadgelyo ee gobolku ay fiican tahay, waxaanu soo jeediyay in gacmaha la isu qabsado sidii loo horumarinlaha gobolka.

 

Leave a Reply