Mudanayaash Golaha Guurtida Somaliland oo Warbixin ka Dhageystay Guddida Joogtada ee Golahaas.

0
322

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha  gudida joogtada  ah ee golaha guurtida Xildhibaan Dayib Xasan Axmed.

Fadhigii golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahasi waxay warbixin faahfaahsan ka dhageysteen gudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha guurtida Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, taas oo xildhibaanku  warbixintiitaasi uu kaga waramay in ay kulamo la yeesheen masuuliyiinta hay-adaha dowlada  ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo boosaha, wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, wasiirka warshadaha iyo dalxiiska

Sidoo kale waxaa uu   sheegay in wax kaweydiiyeen hawlaha shaqo ee ay mas’uulka ka yihiin, wuxuuna xusay in uga xogwarameen waxyaabihii u qabsoomay iyo baabiyaha ka jira hay’adahaasi iyo waxa u qorsheysan mustaqbalka in ay qabtaan.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply