Muslimiinta Iyo Sebenada Adag

0
723

Markii Amiir Cali Binu Abu-dalib iyo Mucaawiye dagaalku dhex marayay oo ah seben ay fitnadii Muslimiinta aloosnayd,  ayaa boqorkii Ruum Hiraqle isagoo damacsanaa inuu ka faa’iidaysto fursadaasi warqad usoo diray Mucaawiye waxaana uu ku soo qoraya erayadan : “ Waxaan ogaanay waxa idin dhex maray adiga iyo Amiir Cali, anigu waxaanu u aragnaa inaad adigu xaq u leedahay khilaafada iyo xukunka dadka muslimiinta ah”.

 

“Haddaba hadii aad iga codsato ciidan ku taakuleeya waan ku soo diri doona si ay kuugu hiiliyaan oo kugu keenaan madaxa Cali Binu Abudalib oo aad uga guulaysato”.

 

Mucaawiye ayaan qoraalka warqadaasi aanay qancin waxaana uu  diray warqad jawaab ah oo uu ku qoraya eraydan:” Waxaanu nahay walaalo murmay, maxaa adiga oo gaal ah na soo kaa dhex geliyay”?. “Haddii aanad ka gaabsan arimahayaga, waxaan ku soo diri ciidan madaxiisu kula joogo kan ugu danbeeyaana aniga ila joogo oo madaxaaga u keena Cali Binu Abdu Dalib”.

Inkasta oo muran iyo fitno jirtay haddana muslimiinta wakhtiyadii dahabiga ahaa dhaqankoodu waxa uu ahaa kaasi Mucaawiye muujiyay, gaaladana isuguma yeedhan jirin .

Leave a Reply