Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay colaadaha ka aloosan wadamada deriska iyo nabad-gelyada dalka

0
327

“Waxaanu qaadanay go’aan ah in aanu dhex ka noqono dabka hareereheena ka socda. dhex in aanu ka noqono Carab, Itoobiya..”Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Somaliland go’aan cad ka qaadatay dhibaatooyinka colaadeed ee ka qiiqaya mandaqada geeska Afrika iyo Aasiya ee ay ka badqabto, loona baahan yahay in shacab iyo dawlad gacmaha laysu qabsado sidii nabad-gelyada waddanka loo wada ilaalin lahaa.
Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalintii shalay khudbad ka jeediyey Xaflad Magaalada Boorama loogu qabtay ku dhawaad kun Arday oo ah dufcadii 20aad ee ka qalin-aflaxay Jaamacada Camuud, kuwaasoo dhamaystay qeybaha kala duwan ee waxbarashada Jamaacadaasi, ayaa si weyn u hoga-tusaaleeyey qiimaha nabad-gelyada iyo sooyaalkii ay Somaliland soo martay laga soo bilaabo xorayntii waddanka, aasaaskii dhismaha dawladnimo iyo ilaa hadda oo uu qaranku 30 jirsaday.
Waxa uu madaxweynuhu si mugle tooshka ugu iftiimiyey inay Somaliland ku caano iyo nabad maashay qaabkii ay Dawladnimada ku dhisatay oo ah wada-tashi, wada lahaanshiyo, dimuquradiyad, isutanaasul iyo inay hogaaminta dalku ay noqoto mid loo siman yahay oo aan xoog iyo awood lagu kala qaadan.
“Wixii aan isku tashanay waa bilow dawladd wanaag walaaltinimo qaranka wada ilaashada, dawladda wada ilaaliya, meel wacan bay inoo maraysaa oo Ilaahay mahadii ah, ilaahay waa innagu gargaaray go’aankii aan ku qaadanay Burco iyo Boorama maanta halkaas buu marayaa waxaana ka makhraatiya xaalada maanta adduunka ka jirta ee geeska Africa ka jirta iyo Somaliland siday tahay ayaa ka makhraatiya iyo go’aanadii berigaa odayaasheenii qaateen iyo dadkii joogay idinkuna aad ka aqbasheen, dhalinyaradaay inuu sax ahaa oo aan mahadinay oo aynu meel wacan marayno xafladaa maanta iyo Somaliland Geeska Africa halkay ka joogto ayaa makhraati ah”ayuu ku yidhi khudbadiisa madaxweynuhu isagoo la-dardaarmayey dhalinyarada qalin-aflaxay.
Madaxweyne Biixi waxa uu xasaradaha ka oogan mandaqada tusaale ugu soo qaatay xaalada soddon jirsatay ee ka taagan waddanka aynu deriska nahay ee Soomaaliya oo uu tilmaamay inay iyagoo dhibaataysan haddana ka waantoobi waayeen carqaladaynta iyo canjara-fajaaska ay Somaliland ku hayaan.
“maanta isu sheegi mayno wax Geeska Afrika ka socda Dad Soomaalibaynu isugu xignaa oo way is cunayaan ilaa maanta, mar walba oo ay dhibaato ku timaado kuma eegno ee waynu u gurmanaa, hadday tii Jowhar tahay iyo hadday meel kale tahayba. maanta colaadaha ka socda jaararkeena ee holcaya Somaliland way ka nabad qabtaa ilaahaybaa mahada iska leh”ayuu Madaxweyne Biixi oo intaasi ku daray “maanta nabadii Odayga geedka joogaa ilaalin jiray waa la dhaafay, gacmo dibadeedbaa meel walba ku jira, Maraykan, Ruush iyo dawladdo waa weyn ayaa ku jira, waxaan doonayaa inay Jaamacadaha iyo aqoonyahanka dalku kow ka noqdaan cida nabadda ilaalinaysa”
Madaxweynuhu isagoo ku soo dhawaaday xasaradaha ka socda adduunka iyo gobolka mowqifka Jamhuuriyadda Somaliland ka qaadatay waxa uu sheegay “haddaanu dawladda nahay waxaanu qaadanay go’aan ah in aanu dhex ka noqono dabka hareereheena ka socda. dhex in aanu ka noqono Carab, Itoobiya, Eritrea iyo kuwo kale oo is haysta. waxaanu taaganahay haddaanu Somaliland nahay adduunka gacan nabaddeed ayaanu u haynaa”
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isha ku haysa guud ahaan xaaladaha ka aloosan gobolka ay ka tirsan tahay ee Geeska Afrika, iyadoo bilihii u dambeeyeyna hay’addaha amaanku xoojiyeen hawlaha dhinaca amniga.

Leave a Reply