Qorshaha Xukuumadda ee dhismaha Dekeddaha Maydh, Saylac iyo Suuq-geynta Berbera? Waraysi Q2aad

0
300

“Adeeg-bixinta Dekedda Berbera waxaanu ka dhignay boqolkiiba laba boqol (200%), si macaamiishu ay noogu timaado..

Runtii haddii ay cabasho timaado oo laga cawdo Shirkadda DPWORLD, cida loo yimaadaa waa..”Maareeyaha Hay’adda Dekeddaha Somaliland
Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Akhristeyaal cadadkii Sabtidii ee Wargeyska Dawan waxa aanu idiinku soo gudbinay qayb kamida waraysi dheer oo aanu la yeelanay Maareeyaha Hay’adda Dekeddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, kaasoo uu kaga waramay isbedellada ka socda Dekedda Berbera tan iyo markii la furay wajigii 1aad ee balaadhinta Dekeddaasi, xilliga la bilaabayo wajiga labaad ee kordhinta Marsada Berbera, doorka maamul iyo masuuliyaddeed ee ay dawladda Somaliland ku leedahay adeegyada Dekedda Berbera qabato, waxyaabaha muhiimka ah ee ay Hay’ad ahaan soo kordhiyeen si ay ula jaanqaadaan casriyeynta iyo balaadhinta Dekedda.
Haddaba waraysigan oo aanu qaybtiisii labaad cadadkan maanta idiinku soo gudbinayno, ayuu Maareeye Siciid kaga hadlay mashruuca dhismaha Dekedda Maydh iyo Dekeddaha kale ee Qaranku yeellanayo, sida loo maamulo amniga Dekedda Berbera, imaanshiyaha Maraakiibta Caalamiga ah iyo kuwa gobolka laga leeyahay ee Dekedda Berbera ku soo xidha iyo qodobo kale oo la xidhiidha horumarinta Dekeddaha dalka.
Maareeyuhu waxa uu sheegay inay Xukuumadda Somaliland qorsheysay silsilada dhismaha Dekeddo kala duwan oo uu dalku yeesho, kuwaasoo looga faa’idaysanayo siyaabo kala duwan oo isugu jira Ganacsiga maxaliga ah iyo waliba Kalluumaysiga, isagoo geesta kalena ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in qaranku yeesho wax-soo-saar bulshadu kaga faa’idaysanayso khayraadka dalka.
Maareeyuhu waxa kale oo uu waraysiga qaybtan kaga jawaabay su’aallo laga waydiiyey masuuliyadda Hay’adda Dekeddaha ee cabashooyinka adeegyada Dekedda Berbera haddii ay yimaadaan iyo halka ay higsanayso Dekeddu mustaqbalka.
Siciid Xasan Cabdilaahi oo ka jawaabaya su’aal u dhignayd ‘Haddii cabasho ka timaado adeegyada ay Shirkadda DPWORLD ay qabato, yaa looga dacwoonayaa?
J: Runtii haddii ay cabasho timaado oo laga cawdo Shirkadda DPWORLD, cida loo yimaadaa waa annaga Hay’adda Dekeddaha Somaliland, annagaana ka masuul ah, annaguna haddii ay cabashadaasi tahay macquul oo aanu ku qanacno waxbaanu ka qabanaa, haddii kalena macbiilka ayaanu ku qancinaa in aanay cabashadaasi ahayn wax sax ah, markaa cida kala saartaa had iyo jeer waa annaaga

S: Dhawaan waxa jiray Markab u rarnaa Ganacsade reer Somaliland oo isagoon Dekedda soo gaadhin dib ula noqday baddeecadii uu siday, kaasoo la sheegay inay is-khilaafeen ganacsadihii uu u rarnaa, arrinta markabkaasi ma baadheen, halkayse ku dambeysay?
J: Maraakiibta Itoobiya way ku soo xidhaan Dekedda Berbera, laakiinse agabka ay keenaan wax leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taas macnaheedu waxa weeye markab kasta oo adduunka laga leeyahay wuu iman karaa Dekedda, hadday kuwa Itoobiya yihiin iyo hadday kuwo kale yihiinba, laakiinse waa kuwo u raran muwaadiniinta Somaliland.
Laakiinse sidaan horeba u sheegay dhaqdhaqaaqii isu socodka Ganacsiga ee Somaliland iyo Itoobiya wali muu bilaabmin, sababtoo ah wali shuruucdiibaan dhamaanin oo hadda lagu jiraa, markay shuruucdu dhamaadaan ayey shaqadaasina bilaabmaysaa.
waxa kale oo si toosa u socda dhamaan agabkii ay Hay’adda WFP lahayd ee Itoobiya tegayey si caadi ah ayuu u maraa Dekedda Berbera Itoobiyana u galaa
S: Amaanka Dekedda siddeed u maamushaan dibada laga soo gelayo ilaa gudaha Dekedda?
J:Amniga Dekedda Berbera wuxuu kamid yahay waxyaabaha muhiimka noo ah, Ciidamada nabad-gelyada Somaliland qaybta ka shaqaysa Dekeddu waxay aad u adkeeyeen nidaamka amniga Dekedda. Cid aan ehel u ahayn amma aan shaqo u soconina ma soo geli karto. waxa jira in ka badan 10 joogsimood oo la maro oo intaba dadka lagu baadho. amniga waxa aanu adkaynayn boqolkiiba saddex boqol. waxa ka hawlgala Ciidamo dirays xidhan iyo qaar aan xidhnayn, markaa runtii amnigu waa boqolkiiba boqol
S: Somaliland waxa ay leedahay Bad dheer, meelo badan ayey ka jireen Dekedo, halkuu marayaa dhismaha Dekedda Maydh, maxaase idiinka qorsheysan Dekeddaha Saylac, Laasqoray in dalku yeesho dekeddo kale?
J: waa Su’aal muhiima, Somaliland waxay leedahay bad dheer oo ilaa siddeed boqol oo Kilomiter oo badda, waxaynu leenahay Dekeddo yar yar oo faro badan oo iminka shaqooyin yaryari ka socdaan, hadda waxaanu gacanta ku haynaa Dekedda Maydh oo dhigaal wanaagsan loo samaynayo. maadaama gobolka Sanaag iyo mandaqadiisu ka fog yihiin Dekedda Berbera in maraakiibtu markay halkan yimaadaan ee badeecadaha keenaan doonyaha lagu tanfiido oo ay geeyaan Dekedda Maydh oo ay ku rogaan. waxa kale oo aanu doonaynaa Dekedda Saylac in laga sameeyo Deked Kalluumaysi amma nooc kale oo Dekeddeed inay noqoto. waana aragtida fog ee xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynuhu in la dhiso oo la tayeeyo kaabeyaasha Dekeddaha.
Markaa iminka waxa socota Dekedda Maydh, Dekedda Saylac ayaa ku xigi doonta, ta Laasqoray ee Kalluumaysiga ayaa iyaduna ku sii xigi doonto iyo wixii kale ee loo baahdo.
S: Marka ma laga yaabaa inay Shirkadda DPWORLD dhismaha Dekeddaha cusub idinkala shaqayso ama ay gacan ka geysato?
J: walaahi hadday iyada tahay iyo hadday cid kale tahayba, hadda dhismaha Dekedda Maydh waxa gacanta ku haysa oo dhisaysa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, kuwa kalena Dawladda ayaa dhisaysa si ay dadku uga kalluumaystaan oo ay wax ugala soo baxaan oo shaqo abuur ay uga helaan.
S: Ugu dambeyn maxay Dekedda Berbera kula tartamaysaa Dekeddaha kale ee gobolka?
J: waxaan kula tartamaynaa sidaan hore kuugu sheegay waxa aanu iibinaa waa adeeg. adeegga aanu iibinaana waa sida Hudheellada oo kale. haddii macaamilkayaga iyo adeegga aanu bixinaa wanaagsanaado oo uu ka wanaagsanaado Dekeddaha kale ee aanu la tartamayno umaddu way noo imanaysaa, haddii aanu ka wanaagsanaan waynana nooma imanayaan.
Markaa adeeg-bixinta Dekedda Berbera waxaanu ka dhignay boqolkiiba laba boqol (200%), si macaamiishu ay noogu timaado, boqolkiiba afartan ayaanay kor u kacday, waanan sii hagaajinaynaa adeegyada aanu bixino si aanu u noqono dekedda ugu horumarsan mandaqada ee gobolka oo dhan waraabisa marka aanu bilowno guul-socodka ganacsiga, si koontiineerada oo dhani halkan u yimaadaan oo ay maraakiib fara badani ugu soo xidhaan, dabadeedna aanu u sii qaybino.
Taasi waa higsiga iyo hamiga Hay’adda Dekeddaha Somaliland inay noqoto Dekedda ugu wanaagsan mandaqada oo dhan.

Maareeyuhu waxa kale oo uu waraysigan ku sheegay inay Hay’addaha Dawladda gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera ka wada shaqeeyaan guud ahaan amniga Magaalada Berbera iyo kan gobolka.

Leave a Reply