Wasiirka Waxbarashada oo sheegay in Somaliland ka dowladdnimo wanaagsan Tahay 68 dal oo Caalamka ku yaala.

0
657

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsan tahay 68 dal oo caalamka ku yaala.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka dowladnimo wanaagsan tahay, kala badh dalalka Afrika, dhammaan dalalka Jaamacadda Carabta marka laga reebo waddanka Tunusia oo Somaliland isku heer yihiin dhinaca dowlad wanaaga.

Wasiir Toorno isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsan tahay 68 dal oo adduunyada ku yaala oo ay ku jiraan labo kuwa awooda leh ah, waxay ka dowladnimo wanaagsan tahay kala badh dalalka Afrika, waxay ka dowladnimo wanaagsan tahay ururka Jaamacadda Carabta dhammaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah”

 

 

Leave a Reply