Maareeye Daarood oo la kulmay Amb. Kate Foster oo ah Safiirka Dawladda UK ee Somaliland iyo Soomaaliya

0
446

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha wakaaladda Biyaha Somaliland Maxamed Cali Darood, ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay Amb. Kate Foster oo ah Safiirka Dawladda UK ee Somaliland iyo Soomaaliya oo booqasho ku joogta Somaliland.

Maareeye Daarood isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxa aanu kulan kula qaadanay Xarumaha Wakaaladda  Biyaha Hargeysa Amb.Kate Foster oo ah Safiirka Dawladda UK ee Somaliland/Somalia iyo wefti ay hoggaaminayso oo ka kala socday xafiiska Dawladda UK u qaabilsan Horumarinta Debedda(FCDO) iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Xarunta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa iyo goobta uu ka socdo dhismaha Keyd qaadi doona 4183 Cubic metre oo gebogeb ku dhaw, noqon doonana keydka wayn ee magaalada ayaa ka mid ah goobaha ay Safiirku booqatay.

Dawladda UK ayaa ka mid saaxiibada Somaliland ka taageera dhinaca  horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah.

Waxa ay Dawladda UK sidoo kale  ka mid tahay Dawladdaha taageerada ugu balaadhan ku leh mashruuca Biyaha Hargeysa iyo hindisii hore ee Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa oo uu gacan ka geystay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Kordhinta ceelasha Biyaha iyo soo-ururintooda, bixinta dhaqaalihii ku baxay dhuumaha 23km ah ee Geed-deeble ilaa Hargeysa iyo Hirgalinta nashqaddii iyo sahamintii hore ee mashruuca biyogalinta magaalada gudaheeda ayaa ka mid ah qaybaha uu taageeray Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo gacanta dhaqaale ee ugu badan ka hela Dawladda UK.”

Leave a Reply