Waxaan Rabay Inaan Caawiyo Saboolka!

0
444

Gilberto Baschiera waxa uu ahaa maamulaha bangiga ku yaalla magaalada Forni di Sopra ee dalka Talyaaniga, waxaana uu ka xaday lacag dhan qiyaastii € 1m (£ 0.9m) muddo toddobo sano ah.

Farsamadan oo waday oo soctay muddo 7 sano ah waxa uu u gudbinayay lacagtaasi Akoonada dadka saboolka ah, isagpoo u siinayay amah ahaan. Waxaana cadaatay in aanu hal doler keliya aanu isagu ka isticmaalin. Gilberto Baschiera maamulaha baanku   sida la sheegay lacagtaasi uu daynta u siinayay, waxa uu doonayay inay marka danbena ku soo celiyaan account-ka laga saaray inta aan la ogaan.

Arrintan ayaa la ogaaday markii dadkii uu daynta siiyay qaarkood iska bixin kari waayeen daymihii ay qaateen, taasi oo keentay in maamulaha Baschiera ay ka fashilanto farsamadii uu ku taageerayaya saboolka waxaana markaa dhibaato la kulmay maamulaha.

Maamulaha ayaa shaqadii laga eryaya iyadoo isla markaana la iibiyay gurigii uu lahaa. Waxa kale oo maxkamaddu ku riday xukun laba sano ah oo xadhiga ah, inkasta oo markii danbe damiin lagu sii daayay.

Maamulaha ayaa : ” Waxaan had iyo jeer ku fikiri jiray badbaadinta dadka saboolka ah howsha aan qabanayay waxa ahayd caawinta kuwa baahan,”, iyadoo weedhahasi lagu qoray  a wargeyska Talyaaniga Corriere Della Serra. (Dailymai  October)

 

Leave a Reply