“Dahabka ugu Badan Afrikada Bari Somaliland ayaa laga Heli Karaa” Madaxweynaha Somaliland

0
571

 

“Wuxuu Ilaahay ina siiyey bogcad maanta adduunka oo dhami raadinaayo”

Qore: Saciid Cagjar

Gabiley (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dhulka Somaliland uu juquraafi ahaan ku yaallo goob istaraatiiji ah oo aad u muhiim ah, taas oo ah bogcadda maanta adduunka oo dhami raadinaayo.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaayey magaalada Gabiley ayaa sheegay in Dahabka ugu badan Afrikada bari laga heli karo Somaliland sida la sahamiyey. “Wuxuu Ilaahay ina siiyey Bogcad maanta adduunka oo dhami raadinaayo, Baddacas oo aynu qeybta ugu weyn leenahay 900KM waxaa mara ganacsiga adduunyada oo dhan isku xidha 25% in ka badan, waxa Ilaahay innagu abuuray meel adduunka oo dhami maanta uu leeyahay halkanaa wax yaaliinee halaga helo, waxaaba lagu qiyaasa Dahabka ugu badan Afrikada bari in laga heli karo Somaliland ayaa la sahamiyey oo aan faan ahayn”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kalena waxa uu Madaxweynuhu Bulshada reer Gabiley hoosta uga xariiqay in dhawaan Banka Wajaale uu marti-gelin doono in ka badan Milyan iyo Shan boqol oo Koontiiner kuwaas oo ka gudbi doona Xuduuda Wajaale “Sannadka 2022 ama 2023 horaantiisa in Berbera ay kasoo degaan Koontiinaro ka badan Milyan iyo badh (1.5M), Koontiinaradaasi wadada keliya ee samaysan hadda inta kuwa kale la samaynayo ay ka bixi doonaan waxaa weeye waddadaa Wajaale ka gudubta, Gobolka Gabiley waxaa kusoo baxsan doona 1.5M ilaa 1.8M oo koontiinaro ah inay meelayso meeshii la dhigi lahaa oo la yidhaahdo Aagga cashuuraha ka caaggan, culayska intaa leeg baa idin fuuli doona, waxaa soo kordhaaya dadka Dekedaa ka adeeganaaya ee aynu doonayno Afrika inta xidhan oo dhan inay helaan adeeg iyo dad ilbaxa oo dhaqankooda ku adag qof kastoo ka dhaqan duwan ama ka diin duwan la shaqaysan kara si nabad ah, Waxaan kale oo aan rajaynaynaa sannadka soo socda waddo tan leeg oo kasoo baxda Lawya-caddo oo soo marta Boorama oo ilaa Burco isku xidha oo uu inoo ballan qaaday Baanka Afrika”.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu bulshada reer Gabiley ku booriyey in Mashruuca Wajaale yahay mid qaranku leeyahay ka dawladd ahaan iyo bulsha ahaana ay ka wada tashan doonaan sidii horumar looga gaadhi lahaa “Mashruuca Wajaale Qaranka leh waa run dadka degan ee dhulka Ilaahay ku beeray baa lahaa laakiin beri hore ayeynu go’aansanay in la wada wadaago oo heer qaran wax lagu soo saaro, saddex wax buu leeyahay Beeruhu ku wanaagsan yahay, marna Xooluhu ku wanaagsan yahay imikana waxaa kusoo kordhay Free Zone in laga helo dhulkii, waynu ka wada tashanaynaa waxaynu ka dhigaynaa sida ugu faa’idada badan”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

Leave a Reply