Magaaladii Labada Qaradood!

0
296

Istanbul waa magaaloyinka ugu waaweyn dalka Turkiga, waxaana ay fidsan tahay Yurub iyo Aasiya. Magaaladan waxa ku nool wakhtigan dad gaadhay 15 milyan oo qof.  Suldaan Mohamed Al-faatix Ibn muraad Waa suldaankii  furtay magaalada Qisdan-diiniya markii uu furtay ka dib waxa loo bixiyay magac  “Islam buul” , laakiin wakhtigan waxa loo yaqaan Istanbul maanta waa caasimaddii hore ee Turkiga .

Suldaanku waxa uu dhashay 835 hijriyada …waxaana uu ahaa suldaankii dhidibada u taagay dowlad islaam oo mid ah tasoo caalamka hogaaminaysay uguna awood badnayd muddo ka badan 600 sano, Dawladaasi Waxay caan ku ahayd oo loo yaqaanay boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Suldaan Maxamed waxa uu ahaa suldaankii ugu adkaa uguna firfircoonaa ee soo maray dowladaas uguna dadaal badnaa waxaana uu ah hogaamiye ciidan iyo mujaahid marka cadowgiisa loo sheego ay jidka sii banyn jireen.

Leave a Reply