“Door Weyn Ayuu Ku Lahaa Dib u Dhiskii iyo Nabadayntii Dalkan Somaliland” Madaxweynaha

0
80

Qore: Saciid Cagjar

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ku sifeeyey suldaan dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii bulshada Somaliland, kana soo jeeda sandalad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland.

Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa socdaal ku tegay hoyga reer Suldaan Cumar oo ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Aabahood waxan Alle ka baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa ka mid ahaa bahda dhaqanka ee faca weyn waxaanu ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu xaalad caafimaad u joogay.

 

Leave a Reply