Miisaaniyadda 2022 oo Hannaan Daah-furnaan loo Diyaarinayo

0
489

Hargeysa (Dawan)- Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaaca ka qaaday in miisaaniyadda 2022 ee saanadka dambe u diyaarinayaan hanaan daahfuraan iyo isla xisaabtan ah sida Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda Xeer Lr. 75/2016 dhigayo.

Sida lagu baahiyey qoraal Wasaaradda Maaliyaddu soo saartay shalay ayaa lagu sheegay in xarunta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ka bilaabmeen kulamadii diyaarinta iyo falanqaynta Miisaaniyada Dawladda ee 2022-ka, oo sanad walba la qabto siduu dhigayo jidwalka diyaarinta Miisaaniyaddu, isla markaana maalin walba ka qaybgali doonaan 6 ilaa 7 Wasaaradood ama Hay’adood.

Kulamadda oo dhexmaraya Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan iyo Ag waaxeedyadda qaabilsan iyo madaxda Wasaaradda & Hay’addaha Qaranka oo soo diyaarsada Qorshaha Odoroskooda Miisaaniyadeedkooda, ayey isla eegaan haddaba, waxii suurtagal ah ee laga qaadan karo hindisayaasha iyo soojeedimaha Hay’addaha Dawladda, iyada oo lagu salaynayo hadba inta uu le’egyahay dakhliga la rajaynayo inuu soo xaroodo sanadka soo socda iyo waliba mudnaanshaha kharash ee siyaasadda Miisaaniyadda Dawladdu diirada saarayso.

Qoraalka Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in diyaarinta Odoroska Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2022 uu noqon doono mid dhamaystiran, kana muuqan doonaan dhamaan tafaasiisha Miisaaniyaddaha ee Hay’adaha Madaxa-Banaan, Dawladaha-Hoose ee Dalka, iyo Deeqaha-Debedda inaga soo gala, si loo horumariyo hanaanka isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta, oo wajigeedii hore la dhaqangaliyey sanadkan, sida uu jidaynayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda Xeer Lr. 75/2016.

 

 

Leave a Reply