Guddiyada Golaha Wakiiladda Qaarkood oo Hoggaan Doortay

0
294

Hargeysa (Dawan)- Guddi hoosaadyadda Golaha Wakiiladda qaarkood ayaa shalay iska dhex doortay gudoomiye iyo guddoomiye ku xigeen ay yeelan doonaan, halka qaarkoodna shuruudahii fadhigu u buuxsami waayey.

Guddi hoosaadyadda shalay dhexdooda ka doortay hogaan ayey ka mid yihiin,

Guddiga Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorsheynta & Maalgashiga oo sideed xubnood ah ayaa Gudoomiye u doortay Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur. Gudoomiye Maxamed, oo la weydiiyey siduu u arko ayaa yidhi, “Ilaahay SW mahadii, waxaa la ii doortay Gud Guddiga Arrimaha Dibedda, waa xil labaad oo I fuulay, hawlaha Arrimaha Dibedda waxaa rajeynayaa inaan xidhiidh wanaagsan Baarlamaanka iyo kuwa caalamka abuurno.

Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka oo todoba xubnood ah ayaa gudoomiye u doortay Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillahi (Khayreeye). Gudoomiye Xil. Mustafe oo la weydiiyey siduu u arko ayuu yidhi, “waa shaqo si wadajir ah todobada xubnood aan u gudanayno, ilaa 1991 wax badan ayaa inoo qabsoomay, waxa dalka qabyo ka ah qurxintooda ayaan ka shaqeynayn doona Insha Alaah.”

Guddiga Hawlaha Guud, Tiknoolajiyadda, Gurriyeynta & Gaadiidka oo toboda xubnood ah ayaa Gudoomiye u doortay Xildhibaan Eng Xirsi Cabdillahi Xirsi. Gudoomiye Xirsi oo la weydiiyey siduu u arko ayaa yidhi, “ Guddigan hawlahoodu aad ayey bulshada u taabanayaan, sida arrimaha dhulka hantida guud, oo si gaar ah isha ugu hayn doono, si dadku u helaan dhulkii cusbitaaladda, iskuuladda, Saldhigyadda, goobahii ciyaaraha dhalinyaradu u heli lahayd.”

Guddiga Arrimaha Deegaanka, kheyraadka Dabiiciga ah, Wax-Soo-Saarka & Tamarta oo todoba xubnood ah ayaa Gudoomiye u doortay Xildhibaan Mubaarik Muuse Ismaaciil. Gudoomiye Mubaarak, oo la weydiiyey siduu u arko ayaa yidhi, “ Xubnahii Guddigu waxay iska dhex doorteen Gudoomiye & Gudoomiye-xigeen. Guddigan waxay wada shaqeyn leeyahiin sideed Wasaaradood, oo korjoogtayn iyo dabagal aanu ku leenahay. Guddi saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani & Ucid ka kooban ayaan nahay.”

Dhinaca kale, Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda & Xuquuqal Insaanka oo todoba xubnood ah ayaanay u qabsoomin fadhi ay hogaankooda ku dooran lahaayeen, ka dib markii saddex xubnood ka soo xaadireen.

10 Guddi-hoosaad oo golaha Wakiiladda yeelanayo ayuu Isniintii 13 September, 2021 Gudoomiyaha Baarlamaanku Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed magacaabay.

Leave a Reply