Qabashada Shirweynaha Qurbojooga oo la Muddeeyay

0
91

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Xafiiska Qurbojooga Wasaarada Arimaha Dibada Jamhuuriyadda Somaliland Sacad Maxamed Cabdi ayaa sheegay wakhtiga uu dalka ka qabsoomi doono Shirweynihii Qurbojooga Somaliland.

Sacad Maxamed Cabdi oo shalay Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Shirweynihii 5aad Qurbojooga Somaliland uu qabsoomi doono 15 ilaa 16 Bishan aynu ku jirno, isla markaana uu ka dhici doono Huteelka Grand Hadi ee Magaalada Hargeysa.

Sacad Maxamed oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan fariin u dirayaa Qurbojooga Somaliland ee ku dhaqan Gobalada dalka Somaliland in Shiweynihii Shanaad ee Qurbojooga uu ku dhici doono 15 ilaa 16 Bishan aynu ku jirno kana dhici doono Huteelka Garand Hadi,markaa waxa aan baaq u dirayaa Qurbojooga dalka ku sugan in ay ka soo qayb galaan Shirweynahan”.

Sidoo kale Sacad Maxamed ayaa waxa uu sheegay in Shirweynahan lagu falaqayn doono arimo khuseeya Qurbojooga, waxaana uu yidhi “Waxaana lagaga hadli doonaa Shirweynahan Qurbojooga mawduucyo waaweyn oo khusaynaya Arimaha Qurbojooga, anaga oo ka duulaynaya Siyaasada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi dalka ku hogaaminayo iyo Siyaaasada Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada.waxaan ka go,an in la dhiirigaliyo dadka Qurbojooga ah waxa kale oo Shirkan lagaga hadli doonaa Arimaha Ganacsiga iyo Siyaasada Qurbojooga”.

 

Leave a Reply