Hay’ada Duulista iyo Madaarada oo Iibsatay Baabuur cusub

0
427

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Hay,ada Duulista iyo Madaarada Somalialnd ayaa shalay soo bandhigay Baabuur Cusub oo ay soo iibsatay.

Baabuurtan ay soo iibsatay Hay,ada Madaarada iyo Duulimaadyada oo ka kooban Lix gaadhi oo kala ahaa Booyad Biyaha iyo shangaadhi oo kale.

Maamulaha Hay,ada Duulista iyo Madaarada Cumar Sayid Cabdilaahi ayaa waxa uu sheegay in ay u baahi u qabtay Hay,ada Duulista iyo Madaarada Gaadiidkan.waxaana uu tilmaamay in gaadhiga Booyada loogu dhaamin doono Madaarka Hargeysa shanta gaadhi kale ay ku hawlgali doonaan Shaqaalaha hayadaas

Cumar Sayid Cabdilaahi oo ka hadlayay a sababaha keenay in Gaadiidkan la soo iibiyo.waxa uu yidhi”Waxa aanu halkan kusoo bandhigaynaa gaadiid cusub oo ay u baahnad Hay,ada Duulista iyo Madaarada Somaliland, waxaana isbadal ku samaynay Madaarka Caasimadda anaga oo baahidaa ka duulayna oo ka fulinayna Misaaniyadda Qaranka Somaliland ayaa waxa aanu soo bandhigaynaa Gaadiid ka kooban Lix gaadhi oo Booyad ku jirto oo Biyaha u dhaaminaysa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda.markii horana labo Booyadood ayuu lahaa Madaarka waxaana wax badan ka tari doontaa adeega Garoonka,Gaadiidka kalena waxa loogu talo galay saraakiisha ka shaqeeya Hay,ada Duulista iyo Madaarada oo mararka qaarkood shaqada soo galaya afarta Habeenimo ayaa ku hawl gali doona Gaadiidkan,”.

Leave a Reply