Shirweynaha 5aad ee Qurbajooga Somaliland oo Hargeysa ka bilaabmay

0
675

Hargeysa (Dawan)- Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Md Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa ugu baaqay Qurbajooga inay noqdaan waddaniyiin ka qeybqaata dhismaha dalkooda, mar uu furayey shirweynahii shanaad ee Qurbajooga Somaliland.

Munaasibad si heer sare loo soo agaasimay kana soo qeybgaleen qurbajoog ka kala yimi daafaha caalamka, madaxda xukuumada, dublamaasiyiinta ajaanibka ee dalka jooga iyo martisharaf kaloo lagu soo casuumay.

Agaasimaha Qurbajooga Mr Sacad Maxamed Cabdi oo hadal ka jeediyey furitaankii munaasibadda ayaa amaanay kaalinta Qurbajoogu ka geystaan baahiyaadka soo baxa, oo ugu dambaysay aafadii xanuunka COVID.

Marwo Edna Adan oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa sheegtay in magaalada Balligubadle ahayd caasimadii Somaliland markii halganka lagu jiray, intaan dalka dib loogu soo noqon magaaladii shacabka Somaliland martigelisay ayey ahayd, maantana nasiibdarro waa la dayacay, abaalkii Balligubadle waxuu noqday inaan hal ceel laga qodin, iyadoo baaq u diraysa, waxay tidhi,

“Qurbajooga waxaan farayaa inay u dedaalaan, oo hadday afar ama shan ceel u qodi kari waayaan, hal ceel u qodaan Balligubadle.”

Marwo Edan oo ka hadlaysay sida Qurbajoogu dalkooda iyo dadkooda wax ugu kordhin karaan ayaa sheegtay in looga baahan yahay sidii ay aqoon iyo imkaaniyaad waxii ay soo barteen dalkooda iyo dadkooda ugu faa’iideyn lahaayeen.

Munaasibadda oo masuuliyiin kala duwan hadalo ka jeediyeen ayey dhamaantood bogaadiyeen kaalinta Qurbajooga Somaliland ka soo qaateen dhismaha dalka, uguna baaqeen inay bulshada & madaxda wadammada ay ku nool yihiin horumarka dalka.

 

Leave a Reply