Quwado Dunida Maamulkeeda Isku Haysta

0
113

Labadii dagaal ee waaweyna waxa sabab u ahaa tartanka loogu jaray hogaanka dunida iyo dalka looga danbaynayo. Haddaba markii dagaalkii labaad ee weyna uu dhamaaday, ee la jebiyay  hogaamiyihii Jarmalka Adlof Hitler iyo gaashaanbuurtiisa, ma uu noqon mid  joogsada tartanka halganka hogaanka dunida.

Dalalkii dagaalka xulafada ku  ahaa ee ka guulaystay gashaanbuurta Hitler  Waxa ay mar kale isku qabsadeen hogaaminta dunida iyo cidda maamulaysa ee loo aqoonsanyo awoodda kowaad.

Sanad ka dib dhamaadkii dagaalkii labaad oo ahayd sanadkii 1946 kii , waxa si rasmi ah u bilaabmay dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo dalkii lagu  magacaabi jiray Midowgii Sofiyeetka oo iyagu isku dhinac  markii dagaalku socday, isla markaana ah xulafadii dagaalka ku guulaystay.

Waxa magaca dagaalka qabow loogu bixiyay iyadoo oo uu ahaa dagaal hoose oo aan muuqan haddana weli si qarsoon uu socdo halgan loogu jiro dalkii hogaamin lahaa dunida. Dagaalkaasi ayaa galaaftay dad badan oo hoos loo khaarjiyay iyo dawlado si cad taladii looga wareejiyay.

Dagalkan ayaa ah kii ugu dheeraa ee loo galo tartanka hogaanka dunida cidda qabanaysa.  Ugu danbayn waxa dagaalkaasi hogaaminta dunida ku guulaystay Maraykanka ka dib markii uu Sofiyetkii burburay bishii Decemebr 25, sandakii 1991, kaasi oo u kala jabay 16 dawladood oo kala madax banaan, waxaana isaga ku soo hadhay oo maanta loo yaqaana dawladda Ruushka.

Madaxweynihii Maraykanka ee wakhtigaasi Bush-kii weynaa aya si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu dhamaaday dagaalkii qaboobaa isla markaana Marakaynku ku guulastay hogaaminta dunida iyo dagaalkaasiba. Muddo dheer ka dib Ruushka ayaa u muuqda mid doonaya inuu tartankii hogaaminta dunida ku soo noqdo, waxaana wakhtigan u samaynayaa xulafo cusub sida Shiinaha, Turkiga iyo Iran. Waxa kale Iyana jirta in Maraykanka oo isha ku haya isbahaysiga cusub uu doonayo inuu dunida mar kale isku ballaadhiyo. Sanadkii 2018 ayuu Maraykanku u aqoonsaday in dagaalka uu kula jiro Islaamiyiinta uu ka khatar badan yahay kan Shiinaha oo dhinac kasta weerar kaga haya, siiba dhinaca dhaqaalaha oo Maraykanku dunida hogaamiyo.   Dunida kale oo iyagu ah kuwo dushooda lagu shaxayo oo hadba kooxda hogaamisa u noqda nacamalayaal.

Leave a Reply