Lacagta Shillinka Somaliland oo Dalka la Wada Gaadhsiinayo

0
413

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa shaaciyey in shillinka Somaliland la wada gaadhsiin doono dalka oo dhan, xilli uu shalay hadal ka jeediyey munaasibadii xilwareejinta maamulka cusub ee Baanka Dhexe iyo maamulkii hore oo Hargeysa ka dhacday.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo ka hadlay xilligii ay isbarteen Gudoomiyahii hore Baanka Baqdaadi iyo mudadii ay wada shaqeynta soo yeesheen dabeecadahu ku arkay ayaa yidhi, “Gudoomiyahii hore Baqdaadi, waxaan isbaranay markii xilka loo magacaabay, intaan wada shaqeynta lahayn waxaan ku bartay inuu yahay aqoonyahan khibrad u lahaa hawlaha baananka, dhaqan wanaagsan oo muxtarim ah.”

Dr Sacad oo faahfaahin ka bixinayey saddex arrimood oo Gudoomiyahii hore Baqdaadi ku guulaystay mudadii uu xilka hayey ayaa yidhi, “Fadhiisinta sicirka lacagta Shillinka Somaliland, maaraynta sicir-bararka, iyo in hanaanka lacag-bixintu noqoto elektoriinig. (Digitalized payment).”

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayey kaalinta Wasaaradda Maaliyadu ka qaadatay in qiimahii lacagtu fadhiisato, isla markaana sicir-bararku yaraado ayaa sheegay inay wax ka qabteen shan arrin oo muhiim ah, isagoo yidhi,

“Soo daabacida lacago cusub oo saamayn ku yeelan jiray qiimo-dhaca lacagta waanu hakinay, waayo sicir-bararku waxuu dhashaa marka suuqa lacago badan soo gasho.

Arrimaha kale qeybta ka qaatay fadhiisinta qiimaha shillinka ayuu sheegay Dr Sacad inay ku timi markii Wasaaradda Maaliyaddu jaangoysay kharashka iyo dakhliga dawladda

Dr Sacad ayaa u ballanqaaday hay’adaha maaliyadda dalka iyo bulshada in siyaasadaha Wasaaradda Maaliyadda ee xakamaynta lacagaha suuqa soo gelaya sidii hore ahaan doonaan, waxaanu yidhi,

“Ilaalinta lacagteena iyo xakamaynta sicir-bararku waa masuuliyad inna wada saran, hadday yihiin Baananka, Masuuliyiinta Xukuumada iyo bulsho.”

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad oo dhinaca kale tafaasiil ka bixinayey khibrada iyo aqoonta uu u leeyahay Gudoomiyaha cusub ee Baanka Eng Cali Cabdillahi ayaa sheegay inay xukuumada muddo ka wada tirsanaayeen, waxaanu yidhi,

“Eng Cali waa aqoonyahan khibrado badan leh, weliba ku takhasusay aqoonta tiknoolajiyadda (IT), dhinaca maamulkana muddo ka soo shaqeynayey, isla markaana af-gaaban oo mudakar ah.”

Dr Sacad oo ka hadlayey qorshayaal Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda Baanka dhexe laga sugayo, marka laga yimaado waxii hore ugu soo qabsoomay ayaa yidhi,

“Lacagta Somaliland dalka oo dhan waa innaynu gaadhsiino meelaha aanay gaadhin.” Isagoo raaciyey sida loogu baahan yahay kobcinta suuqa dhaqaalaha, isla markaana is-barbardhig ku samaynaya dalalka jaarka ayaa yidhi,

“Dalka Kenya waxuu leeyahay 44 baan, halka Somaliland 4 baan keliya ka jiraan, waxuu leeyahy shan kun oo ururo amaahda bixiya iyo 49 shirkado caymis, halka Somaliland ururo amah bixiya aanay jirin , shirkado caymis 4 yihiin.”

Dr Sacad ayaa sheegay in waxii qabyo shuruucda baananka innaga dhimman dhamaystirkooda gacmaha isku qabsanno.

 

Leave a Reply