Faalo: Xuseen Cali Nuur
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku jirtaa marxalado cusub oo ku soo biiray kuwii hore, oo ay ka muuqato waxqabad oo aan ku koobnayn sidii aan u baranay ammaan qudha oo naga soo gaadha caalamka. Isbeddelka aragtiyeed iyo dhaqan ee duniddu noo yeelatay xilligan waa mid leh tixgelintiisa. Waxa loo baahan yahay inay aragtidan cusub garab socdaan dedaal gudaha ah iyo ka qaybgal guud oo gudo iyo dibadba shacbigu uu ka qaybqaato xaqiijinta Qaddiyaddeenna aqoonsi-raadis.
Waxa soo ifbaxaya ahmiyadda bogcadda Ilaahay ina dejiyey ay u leedahay dunida. Ahmiyadaas oo hoos u dhacday intii ka dambaysay dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Ruushka.
Soo noqoshada ahmiyadda Istaraatiijiyadeed ee bogcadda Jamhuuriyadda Somaliland ku taallo waa mid ka duwan tii hore. Daneeyeyaasha wakhtigani tiro ahaan way ka badan yihiin kuwii hore oo ku koobnaa labada quwadood ee ugu weynaa dunida.
Xaaladda Gobolku ku sugan yahay aad bay uga duwan tahay nabadda iyo xasiloonida ka jirta dalkeenna, waxaanay door weyn ka qaadanaysaa daneynta iyo saameynta ay ku yeelan doonto dunida.
Ahmiyadda Somaliland waxa sii xoojinaya xaaladda dagaal ee 11-ka bilood ka socota ee dhexmaraysa Itoobiya iyo Jabhadda Tigray. Dagaalkaa oo gurmad iyo baro-kac badani ka dhacay. Dalal shisheeye ah oo danaynayeyna xal u helideeda siyaasadeed iyo nabadeed ay haatan carqalado badan kala kulmeen.
Soomaaliya waxay haatan ku sugan tahay heerkii ugu hooseeyey ee uu gaadhi lahaa dal jiritaankiisu burbur ku dhow yahay. Tartanka awood sheegasho ee ka dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Rooble, waxa u dheer habka federaalka ah ee ka jira Soomaaliya oo ah mid aan nidaamka caalamiga ah ka duwan.
Farmaajo iyo Rooble waxa kale oo ku soo biiray isqabadkooda ALLE ha u naxariistee Ikraan Tahliil oo ahayd gabadh ka tirsanayd Ciidammada Sirdoonka Soomaaliya oo la dilay.
Wararka Soomaaliya ka soo baxayaa waxay sheegayaan in sababta gabadhaas loo dilay ay ahayd xog ku saabsan dhallinyaradii tababarka loo geeyey Eriterea iyo xaaladaha ay ku dambeeyeen.
Marxaladaha maanta ay ku sugan tahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo saansaanta rabitaanka waxqabad ee caalamka waxay ifafaale u tahay in aragtidii hore ee ay dalkeenan ka qabeen in isbeddel ka muuqdo. Sidaas darteed, waxa la inooga baahan yahay
Inaan mahad iyo shukri u naqno Ilaaha weyn ee innagu mannaystay nabadda, xasilooni, degenaansho, caafimaad iyo horumar aanay ciddina abaal innoogu sheeganayn.
In laga taxadaro odhaahyo siyaasadeed oo dano laga leeyahay oo dhaawac u geysan kara Qarannimadeenna, abuurina kara fidmo iyo khilaaf.
In dano gaar ah oo masiirka qaddiyadda Somaliland ka hor imanaya in aan marnaba la qaadin, la iskana ilaaliyo.
In shirkadaha iyo maalqabeennada dalku ay la jaanqaadaan marxaladdan waxqabad oo maalgelin ka badan, kana duwan mid ganacsi sameeyaan. Sidii quutal-daruuriga u soo waaridinta dalka looga kaaftoomo, la iskuna filnaado.
In dhalliyaradu ka feejignaadaan dagaalka fikirka oo baraha bulshadu weerar isdaba joog ah ku hayo dhaqankeenna diiniga ah iyo afkeena hooyaba.
Waxa ila tahay mar haddii sumcaddii iyo ammaantii hore ee caalamka ay ku soo kordhayaan saansaan waxqabad, waxay iigu muuqataa inay tahay ifafaale waxyaabo badan soo kordhin kara.
Waxaan leeyahay aan badsanno u noqoshada Ilaahay iyo badinta mahadnaqiisa. Aan ka faa’iidaysanno saansaanta muuqata, iskana dhawrno wax kasta oo carsho-carshaynaya.