SOMPOWER oo Qiimo-Dhimis ku Samaysay Adeegga ay Qabato

0
464

Hargeysa (Dawan)- Maareeyaha Shirkada Korontada SOMPOWER Cabdillahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya) ayaa shaaca ka qaaday inay xaddi gaadhaya boqolkiiba 20% hoos u dhigeen qiimaha adeegii korontada ay bixin jireen.

Munaasibad lagaga hadlayey qiimo dhimista shirkadu u samaysay macaamiisheeda oo Maareeyaha SOMPOWER Mr Cabdillahi oo hadal ka jeediyey ayuu yidhi,

“Maanta oo bishu tahay 15 September, waxaan bulshada u sheegaynaa inaan hoos u dhigay oo jebinay qiyaas dhan boqolkiiba 20% qiimahii aanu laydhka kaga iibin jirnay macaamiisha.

Maareeyaha shirkada laydhka SOMPOWER ayaa sheegay in qiimo-dhimistu tahay qorshe shirkadu ku shaqeynayso shanta sannadood ee soo socda, waxaanu yidhi,

“Markii shirkadu hawsha bilowday qiimaha unitku hal dollar ayuu ahaa, imikana waxuu marayaa 30 senti, waa arrin mucjiso ah marka loo eego dal sideena soo koraya.”

Shirkada laydhka ayaa sheegtay iyagoo ka jawaabaya baahida bulshadu u qabto helitaanka laydh jaban, bedqaba oo la isku hallayn karo inay talaabad aqiimo-dhimista u qaadatay.

Maareeyaha shirkada Mr Beershiya ayaa sheegay in qiimaha cusub ee ay ku iibin doonaan laydhka u dhexeyn doono 30 centi ilaa 50 centi, maadama laydhka uu isticmaalo warshad wax-soo-saar iyo gurri qoys kala badan yihiin.

 

 

 

 

Leave a Reply