Xukuumadda oo ka Digtay Qalliinka Xoolo aan la Baadhin

0
418

Qore Khadar M. Xaashi

Burco (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland, mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in aan neef danbe oo aan caafimaadkiisa la baadhin kana dhoofi karin saylada xoolaha ee magaalada Burco, isla markaana lagu qali karin gudaha magaaladaasi.

Waxaa uu tilmaamay in ay gudaha saylada laga hirgelin doono goobihi lagu caafimaadinlahaa xoolaha saylada lagu kala iibsado.

Wasiir Siciid Sulub isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Ku tala galkayagu waxa uu yahay wixii looga baahna saylad xoolaad, ama dekadd xoolaad oo la sii marayo in laga wada helo ayaanu ugu talo galnay.

Sida hadhadhkii xoolaha, goobihii xoolaha Meesha lagu kala iibsanayo lagu caafimaadinayay, looma baahna xoola sayladan yimaadana inay suuqa galaan oo dadku qasho iyaga oo xannuunsanaya, waa sayladii lagu eegilahaa, looma baahna xoolo sayladan yimid inay ka dhoofaan iyaga oo xannuunsanaya halkan ayaa lagu kala reebaya, mashaariic is daba socota ayaanu ka sameyn doona haddii ILLAAHEY yidhaaho”

Wasiirka ayaa sidan ka sheegay mar uu maanta mashaariic kala duwan oo lagu kordhinayo saylada xoolaha magaalada Burco uu dhagax dhigayay.

 

Leave a Reply