Masuuliyiinta Cusub ee Baanka Dhexe oo Xilkii la Wareegay

0
399

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali Cabdillahi & Agaasimaha Guud Mr Mukhtaar Cabdi Quule oo xilkii kala wareegay masuuliyiinta hore ayaa ballanqaaday inay ku ilaalin doonaan qiimaha sarifka shillinka Somaliland heerka uu taagan yahay, isla markaana horumarka baanka gaadhay sii balaadhin doonaan.

Munaasibada xil-wareejinta oo si hanaan wanaagsan loo soo agaasimay kana soo qeybgaleen Wasiiro xukuumada ka tirsan, madaxda Baananka gaarka loo leeyahay, masuuliyiinta hay’adaha dhaqaalaha ee wada shaqeynta la wadaaga, Sariflayaasha iyo marti sharaf kaloo lagu casuumay ayaa lagu qabtay xarunta baanka shalay.

Gudoomiyahii hore Baanka Dhexe Md Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), oo hadal ka jeediyey oo ka waramayey waxyaalahii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, ayaa amaanay shaqaalaha baanka iyo hay’adaha ay wada shaqeynta leeyahiin Baanka oo wada shaqeyn fiican lahaayeen.

Gudoomiye Baqdaadi oo ka hadlayey waxqabadkii baanka dhexe mudadii uu xilka hayey ayaa sheegay inay muhiimada koowaad siiyeen xakamaynta sicir-bararka iyo joogtaynta qiimaha sarifka shillinka Somaliland

“Maalintaan xilka la wareegay shilingka JSL wuxuu ahaa mid aan fadhiyin oo sabaynaayey, maanta waxaan xilka wareejinayaa shilinka Somaliland oo sal dhigtay” Gudoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe (Baqdaadi).

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad ayaa tafaasiil ka bixiyey khibrada iyo aqoonta uu u lahaa Gudoomiyahii hore Baqdaadi & Gudoomiyaha cusub ee Baanka Eng Cali Cabdillahi, isla markaa yidhi,

“Gudoomiyahii hore Baqdaadi, waxaan isbaranay markii xilka loo magacaabay, intaan wada shaqeynta lahayn waxaan ku bartay inuu yahay aqoonyahan khibrad u lahaa hawlaha baananka, dhaqan wanaagsan oo muxtarim ah.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey. “Gudoomiyaha cusub Eng Cali waa aqoonyahan khibrado badan leh, weliba ku takhasusay aqoonta tiknoolajiyadda (IT), dhinaca maamulkana muddo ka soo shaqeynayey, isla markaana af-gaaban oo mudakar ah.”

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mr Mukhtaar Cabdi Quule oo hadal ka jeediyey madashii ay xilka kula wareegayeen ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi xilka uu u magacaabay, isla markaana sheegay inay markhaati u tahay sida madaxweynahu u dhiirigelinayo dhalinyaradda.

Agaasimaha Guud Mr Mukhtaar oo tafaasiil ka bixinayey waajibaadka shaqo ee baanka laga sugayo ayaa sheegay inay masuuliyadiisa u horeysa tahay ilaalinta nidaamka shaqada waxaanu yidhi,

“Xilkayga ugu weyn waa ilaalinta hanaanka ay shaqada u gudanayaan shaqaalahu, ku dhaqankooda shuruucda iyo hubinta in macaamiisha kala duwan helaan adeegyadii ay u baahnaayeen.

Agaasimaha Guud ee Baanka Mukhtaar ayaa ka waramay xaaladii dib-u-dhiska dalka loo soo maray, iyo dedaaladii shacabka ku bixiyeen soo gaadhitaanka heerka maanta dalku marayo, isagoo tusaale u soo qaatay siduu wax barashadiisa ku soo qaatay oo ay ku fadhiisan jireen daasado, waxaanu ballanqaaday inay horumarka Baanka Dhexe ka sii kordhin doonaa heerka uu marayo, kana dalbaday bulshada inay ugu soo duceeyaan ku guulaysiga xil gudashadooda.

Gudoomiyaha cusub ee Baanka Dhexe Eng Cali Cabdillahi oo munaasibadii xil-wareejinta hadal ka jeediyey ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dhamaan maamuladii baanka dhexe soo maray laga soo bilaabo furitaankiisi sannadkii 1994-tii, isla markaana si gaar ah ugu mahadceliyey maamulkii u dambeeyey.

Gudoomiye Eng Cali ayaa sheegay inuu uuga mahadcelinayo Madaxweynaha JSL iyo Wasiiradii ka hawlgalay inuu Baanka Dhexe horumar muuqda ku talaabsado, isagoo yidhi,

“Waxaan ugu horeyn uuga mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL kaalintuu ka qaatay in Baanka Dhexe horumar la taaban karo gaadho iyo wasiiradii gacanta ka geystay iyo in shillinka Somaliland horumar gaadho.”

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali Cabdillahi oo ka hadlayey qorshayaasha u yaala ayaa bulshada Somaliland iyo hay’adaha dhaqaalaha dalka u sameeyey ballanqaad, waxaanu yidhi,

“Annigoo ah Gudoomiyaha Baanka, Agaasimaha Guud iyo Guddiga sare ee Baanka waxaan ballanqaadaynaa in heerka sarifka shillinka Somaliland aanu isbedel ku iman, isla markaana heerka Baanka la soo gaadhsiiyey hore uga sii waddno.”

Gudoomiye Eng Cali oo ka hadlayey wada shaqeynta ay yeelan doonaan hay’adaha dhaqaalaha kuwa dawliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xoojinteeda iyo tallo-wadaag dhexmara waxaanu yidhi,

“Baanka dhexe waa hooyadii bangiyadda, Innagoo kala dan ah, danta qaranka inna kulminaysa, waanan ilaalin doonaa isku wadkooda.”

Madax baananka gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha dhaqaalaha sida sariflayaasha oo hadalo ka jeediyey ayaa ballanqaaday inay wada shaqeyn dhow la wadaagi doonaan masuuliyiinta cusub.

Leave a Reply