Komishanka Xuqaaqal Iinsaanka Somaliland oo Boorama Kulan Ugu Qabtay Daneeyeyaasha Xuquuqda Iinsaanka

0
628

Boorama (Dawan) – Cismaan Jaamac Ciye guddoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee gobola Awdal ayaa dhammaan xubnaha kulankaas ka qayb qaadanaaya o soo jeediyay in ay kulankaas ku lafo guraan sidii la isku dhaafsan lahaa xogaha ku saabsan horumarinta xuquuqda aadanaha, waxaanuu intaas ku daray in arrintaas komishanka xuquuqal iinsaanku ay tahay sidii wada shaqayn dhaw arrimahaas looga yeelan.

Agaasimaha waaxda qorshaynta, cilmi baadhista iyo isku xidhka daneeyeyaasha xuquuqal iinsaanka Somaliland Khadar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in komishankaasi yahay sidii la isugu xidhi lahaa dhammaan daneeyeyaasha xuquuqda iinsaanka ee gobolka Awdal ka shaqeeya, waxaanuu intaas ku daray in arrintaasi ka mid tahay dadaalada komishanka xuquuqal iinsaanka ee ku saabsan sidii loo dhawri lahaa xuquuqda bulshada ku nool gobolkaas.

Ugu dambayn xoghayaha gobolka Awdal Muftafe Cabdi Axmed Duu-duu, oo kulankaasi si rasmi ah u furay ayaa komishanka xuquuqal iinsaanka, waxaanuu xubnaha kulankaas ka qayb qaadanaaya uu u soo jeediyay in mudada uu socdo ay ku lafo-guraan sidii loo horumarinlahaa xuquuqal aadanaha ee gobolka Awdal, waxaanuu intaas ku daray in maamulka gobolkaasi ay soo dhawayn doonaan qodobada kulankaas ka soo baxa.

Leave a Reply