WEEDHA WARGEYSKA Xorriyaddaadu Ma Noqon Kartaa Xadgudub?

0
557

Qofku waa u xor arragtidiisa, xaq baanu u leeyahay in uu u madaxbannaanaado illaa inta aanu ku xad-gudbin xuquuqda qof kalle. Haa, Xor baad u tahay inaad Jimicsato oo addimadaada fidiso illaa inta aanay qof kale xadkiisa ka gaadheynin.

Aynu hoos u daadegno, baryahan waxaa si xowli ah u kordhay addeegsiga shabakadaha warbaahineed ee xidhiidhka bulshadda(Intarnetka). Waa adduun is wadda arag ah oo qol ku wadda jira, eray kasta oo lagu baahiyaana si ka deg-deg iyo saameyn badan si kasta oo hore farriimaha la isugu tabin jiray ayaa uu uga gudbayaa xuduuddaha.

Haddii hadaba, aad ka mid-tahay addeegsadayaasha shabakadaha tusaalle ahaan Facebook ama Twitter ka oo ra’yiggaaga ku gudbiso, weli fikirkaagga ma ku miisaamtay sharciga dalka oo ma la akhridday inta aanad gudbin.?

Haaheey, marka koowaad waxaad masuul ka tahay naftaadda oo ay tahay In aanad u horseeddin dhibaato cid kaleba ha joogto’e, waana inaad ugu yaraan fikir ka haysato sharuucda waddanka aad ku sugan tahay. Haddii aad dalkaagii joogto oo Somaliland ah matalan iyo haddii aad dal kale oo aad marti ku tahay joogtaba. Diinta, Shuruucda caalamiga ah ee xuquuqaadka la xidhiidha, Shuruucda dal u gaar ah iyo dhaqanka intaba waa inaad ku fuudhiso haddii aad arragti tabinayso iyo haddii addiaga lagaa tabiyayba.

Waayo, waa masuulliyad aad u culus. Yaan-qallin tarraarine, aan soo dhufto mid ka mid ah maqaalladii waayaddii bilowga ay ahayd warbaahinta Somaliland la suxufiyiintu isku waanin jirtay. Mar haddii hadda la wada yahay Wariyayaal bal in wax uun kaga duullaan oo aan mar kale nidhaahno. “Qofku ha yeesho xorriyad uu ku tilmaami karro wixii khaldan ee aan sharciga waafaqsanayn, ha yeesho awood uu kaga hadli karo haddii gef sharci uu jiro, qaab dhaqankaasi waa ka saldhiga u ah habka loo yaqaan dimuqraadiyadda, laakiin waxaa dhinac socda xaqa dastuuriga ah ee hadalka uu qofku u madax-bannaan yahay.
Shuruuc qofka xaddidaysa heerka xorriyaddaas oo ka ilaalinaysa in uu ku xad-gudbo xadka ay xorriyaddaasi leedahay ee gefka ku noqon karta danta guud ee umadeed iyo karaamada qofeedba, sida ay u tahay arrin loo baahan yahay xorriyadda hadalku ayay shuruucda xakamaynayaana u yihiin kuwo loo baahan yahay in la dabaqo si aanay u lumin qiimaha iyo macnaha xoriyadda hadalka iyo qoraalka, arrintani waxay xidho u tahay in xoriyadda hadalka aanay ka mid ahayn ereyada waxyeelayn karra nabadda iyo sumcadda danta guud.

Marka la eego hirgelinta xoriyadda dhinaca hadalka, waxaa iyana lagama maarmaan ah oo dhinac socota hirgelinta shuruucda tilmaamaysa kala sooca xorriyatul-qawlka gefka ah ee aan ku habboonayn, hadalka gefka ah ee aan ku haboonayn in la qoro iyo in hadal ahaan fagaare iyo si gaaraba loogu isticmaalo si guud iyo si gaara toona iyo hadalka saxa ah ee ku haboon.
Marka la eego hawlaha saxaafadda ayay arrintani noqonaysaa mas’uuliyada u weyn ee ku dhaqankeedu uu lagama maarmaanka u yahay, waxaana laf-dhabar u ah in suxufi waliba uu isagu sidiisa u yahay nin aan cidina u tilmaamin ilaalinta danta guud ee qaran marka la eego kaalinta hawsha uu hayo ee saxaafadda, suxufiga waa in uu cid wlaba uga aragti horeeyaa ereyada faafintooda iyo qoraalkooduba ay gefka ku yihiin qarankiisa, waajibkan aynu xusnay waa mid si siman ugu waajiba saxaafadda madaxa-bannaan iyo tan dawliga ahba.

Guud ahaan lama moogaan karo in heerka dal walba uu marayo dhinaca dhisme, korriin, iyo horumar inay qayb ka noqonayso nooca saxaafadda ee ka jirtaa dalkaa, waana shaki la’aan in saxaafad walba ay ka waranto inta badan dhacdooyinka ku badan degaanka ay ka hawlgasho, laakiin waxaa loo baahan yahay in suxufigu uu kala saaro rumaysnaantiisa shaqsiyadeed, iyo xaqiiqada ku dhaqanka hawsha saxaafadda oo u baahan in loogu dhaqno sida ay yihiin xeerarkoodu.”

 

Leave a Reply