Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka Qayb-galay Shir Caalami ah

0
290

Qore Sacad Xarbi

Ankara (Dawan)- Gudòoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland mudane Jamaaal Caydiid Ibrahin ayaa caasimada Turkiga ee ankara kaga qaybgalay shir caalamiya, shirkaas oo ay ka qaybgaleen wadamo badan oo dunida ah.

Shirkan oo lagu lafo guurayay wax soosaarka beeraha, kaluumaysiga iyo dhaqaalaha xidhiidhka ganacsi iyo maalgashiga ayaa Gudoomiye Jamaal Caydiid ka jeediyay khudbad, waxaanu u iftiimiyay ergooyinkii shirkaasi ka soo qayb galay fursadaha maalgashi ee yaala Somalilland iyo khayraadka ay Somaliland leedahay isla markaana u dhoofiso dalal caalamka oo ah xoolaha nool.

Gudoomiye Jamaal Caydiid wuxuu tusaale u soo qaatey heshiiska maalgashi ee u dhaxeeya Somaliland iyo shirkada DP Word. Kaas oo lagu maalgeliyay magaalada Berbera oo ah deked ay leedahay Somaliland oo ah ta ugu casrisan geeska Africa, haatana ay isticmaalan dalal jaarka la ah Somaliland gaar ahaan wadanka Itoobiya. Waxaanu u balanqaaday maalgashade kasta oo dunida ah ay si weyn us oo dhaweynayaan, isla markaanay Somaliland ka jiraan fursadi ay ka mid yihiin beero, warshado, xoolo nool, horumarinta kabayaasha, waxbarasho iyo dhaqaalaha.

Shirkani oo markii labaad si toosa loogu casuumo rugta ganacsiga Somaliland ee dalka Turkiga ayaa gudoomiye Jamaal uga mahadnaqay xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeeya Somaliland iyo Turkiga, isaga oo sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dalalka badan ee u dhoofiyo wax soo saarkiisa sida maryaha la xidho iyo cuntooyin iyo qalabka laysku qurxiyo.

Leave a Reply