Kooxda Kubada Cagta W.Warfaafita oo ku Guulaysatay Koob Kana mid Noqotay Kooxaha Heerka 1aad

0
623

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan)- Tartankii kooxaha heerka labaad ee kubbadda cagta oo mudooyinkanba ka socday caasimadda Hargaysa ayaa waxaa ku guulaysatay kooxda wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland.

Waxaanay si rasmi ah uga mid noqotay kooxaha heerka koobaad ee caasimadda Hargaysa, iyadoo ciyaartii kama-danbaysta ahayd ay isugu yimaadeen labadda kooxood ee ku kala ciyaarayay wasaaradda warfaafinta iyo isgaadhsiinta.

Iyadoo dhamaadkii ciyaartaasi ay guushu ku raacday 4 gool iyo eber, kooxda wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta. Waxaana ciyaartii gebagebadda ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo sidoo kale qaar ka mida ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay gaadheen kooxda ku ciyaarta magaca wasaaradda warfaafinta, isla markaana ka guulaysatay tartankii kamadambaysta ahaa ee ay la yeesheen kooxda ku ciyaaraysay wasaaradda isgaadhsiinta.

Waxaanu yidhi “Runtii waanu ku faraxsan nahay, ciyaartooy dhisan, oo macno leh, in ay hadda wasaaradu daadihinayso. Waxay qayb ka tahay in aynuwakhti siino, in ay ciyaaruhu noqdaan waxyaabaha bulshadu isku dhex gasho, ee dhalinyaradeena lagaga saarro qabyaaladda iyo waxyaalaha la mid ka ah”.

“Farxad bay noo tahay in kooxdii wasaaradda warfaafintu ay u soo gudubto sirro A, oo awal ahayd siirro B. waxaana ka muuqata in la geliyay wakhti, aad iyo aad baanan ugu faraxsanahay. Waxaanan amaanayaa tababarahoodd, iyo kabtanka kooxda iyo dhamaanba kooxda ciyaartooyga ah” ayuu yidhi wasiir Koore.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay guusha ay gaadheen kooxda ciyaartooyga wasaaradda warfaafinta, iyo kooxaha heerka koowaad ee ay u soo gudbeen.

 

 

Leave a Reply